FIFA Oo Dib U Dhigtay Ganaaxii Barcelona.

FIFA Oo Dib U Dhigtay Ganaaxii Barcelona.

Barca-Camp-nou

Xiriirka kubadda cagta adduunka ee FIFA ayaa goor dhaw shaaciyay inuu dib u dhigay ganaaxii uu suuqa ka saaray kooxda Barcelona isbuucyo ka hor.

Warkaan ayaa ah war ay ku farxaan kooxda ree Catalonia ee Barcelona maadama ay awood u heli doonaan inay soo iibsadaan ciyaartoy kadib markii FIFA ay horay u sheegtay inay ganaax ka saartay suuqa kala iibsiga ciyaartoyda mudo sanad ah.

Barcelona ayaa racfaan ka qaadatay dacwada suuqa looga xayiray iyadoo FIFA aysan waqti rasmi ah u qaban ilaa inta dib loo dhigay ganaaxii suuqa laga saaray kooxda Barcelona.

Wasaxaafadeed ka FIFA ayaa lagu yiri sidan “Kadib markii ay racfaan ka qaadatay Barcelona ganaaxii ka dhashay jabinta sharciga heshiisyada ciyaartoyda da,yarta ah iyo iyadoo la fiiriyay waqtiga yar ee ka haray suuqa kala iibsiga xaggaaga gudiga racfaanada FIFA waxay dib u dhigeen ganaaxii Barcelona”.