Wefti Uu Hogaaminayo Wasiirka Beeruhu Oo Kormeeray Goobo Ay Saameyeen Sunta Ayaxa Ee Ka Soo Baxay Warshadii La Dagaalanka Ayaxa Ee Burburtay Iyo Furitaanka Mashruuc Wax Lagaga Qabanayo

Wefti Uu Hogaaminayo Wasiirka Beeruhu Oo Kormeeray Goobo Ay Saameyeen Sunta Ayaxa Ee Ka Soo Baxay Warshadii La Dagaalanka Ayaxa Ee Burburtay Iyo Furitaanka Mashruuc Wax Lagaga Qabanayo

Ayaxxa

Hargeysa(Salaanmedia.com)Apr.23.2014-Wasiirka Beeraha Jamhuuriyadda Somaliland Faarax Cilmi Geedoole iyo wefti uu hor kacayo ayaa maanta kormeer ku tegay goobaha uu saameeyey Sunta ayaxa ee ka soo baxday Warshadii bur burtay ee la dagaalanka Ayaxa, goobahaasi oo ay ka mid yihiin Dooxa Hargeysa dhex mara, isaga oo furay mashruuc wax lagaga qabanayo fiditaanka Suntaasi.
Weftiga uu hor kacayey wasiirka Beeraha Somaliland Faarax Cilmi Geedoole ayaa waxa ka mid ahaa masuuliyiin ka socday wasaaraddaha Beeraha, Caafimaadka, Biyaha iyo Deegaanka iyo hay’addaha FOA iyo Blacksmith.
Wasiirka oo ugu horayn ka hadlay kormeer ay ku tageen goobaha uu saameeyey sunta Ayaxu oo ay ka mid yihiin dooxa Hargeysa ayaa waxa uu yidhi “Ujeedada aanu halkan kormeerka ugu nimid waxa ay tahay sida aynu ogsoonahay suntan ku kaydsan xeradii Ayaxa oo muddo dhan ku kaydsanayd, suntaasi oo dilaacday oo roobabku ay qaadeen iyo daadadku oo sida la sheegay dhibaato weyn ku haysa deegaanka ha noqoto xoolaha, ha noqoto bani aadamka ayaanu muddo raadinaynay cid wax nagala qabata ILAAHEY mahadii hay’adda FAO ayaa nagala hawl gashay si loo helo mashruuc wax lagaga qabto oo lagu baadho Ciida iyo biyaha dooxan (Dooxa Hargeysa) ilaa beeraha hoose ee ceelashu ay ka qodan yihiin, taasi oo markii horena ay wasaaadda Caafimaadka iyo hay’adda WHO cilmi baadhis ku sameeyeen oo la sheegay inay sumahaasi ku fideen dooxaasi, markaa hay’adda Blacksmith ayaa waxa ay hadda ka bilaabi doontaa baadhis biyahan iyo ciidan, iyada oo sidii xaqiiqada loo heli lahaa loona nadiifin lahaa xeradii oo suntan looga qaadi lahaa oo baraakaha ay suntu ku jirto looga rari lahaa, loona yarayn lahaa dhibaatooyinka ay gaadhsiisay deegaanka”.
Wasiirka oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi “Markaa halkan waxaanu isugu nimid afar wasaaradood oo kala ah Wasaaradda Beeraha, Wasaaradda Deegaanka, Wasaaradda Caafimaadka iyo wasaaradda Biyaha, waxa kale oo nala jooga Andario Sibola oo ka socda hay’adda FAO iyo John oo ka socda hay’adda Blacksmith oo ah ninka masuulka ah in hawshan la qabto, waxaanay hadda wadaan baadhistii ugu horaysay oo waa ay sawirayaan, waxa ay qaadi doonaan ciida iyo biyaha oo iyaguna baadhis lagu samayn doono Insha Allah, waxa kale oo nala socda Cali Ismaaciil oo ah madax hay’adda SWALIM oo ka tirsan FAO , waanan idiin mahadnaqayaa ILAAHEY-na ha idiin fududeeyo sidii aynu wax uga qaban lahayn hawshaasi “.
Andario Sibola oo ka socday hay’adda FAO oo isna hadal kooban madashaasi ka soo jeediyey ayaa waxa uu sheegay inay ku faraxsan yihiin inay hawshan baadhitaankeeda bilaabaan, waxaanu yidhi isaga oo arrimahaasi ka hadlaya “Mashruucan waxa maalgalinaya midawga Yurub, waxaananu wadnaa qiimaynta iyo nadaafada meesha sidii loo eegi lahaa loona baadhi lahaa saamaynta ay ku yeelanayso caafimaadka iyo beerista”.
Cali Ismaaciil oo ah madaxa SWALIM oo ah hay’ad hoos tagta hay’adda FAO ayaa waxa uu yidhi “Waxaanu maanta sahamin ku samaynay saamaynta ay deegaanka Dooxa Hargeysa, taasi oo ay hay’adda FAO ka fulin doonto sahamo iyo sidii sunta ka soo baxday Warshadihii la dagaalka Ayaxa loo baabiin lahaa, markaa hay’ad la yidhaahdo Blacksmith ayaa hawshaa wada, runtiina arintani waa arin lala soo daahay oo marar ayaa la sameeyey sahamin oo ay wasaaradda Caafimaadku samaysay, tanina wasiirka Beeraha ayaa talabadani qaaday, wasiirkuna waxa uu hay’adda FAO ka dhaadhiciyey sidii suntaa loo tirtiri lahaa, waana arin aynu la habsaanay wax ka qabashadeeduna waa arin noo keenaysa horumar”.

Salaanmedia/Hargaysa