Jabuuti Oo Shaaca Ka Qaaday In Ay Ciidamo Dheerad Ah U Dirayso Soomaaliya

Jabuuti Oo Shaaca Ka Qaaday In Ay Ciidamo Dheerad Ah U Dirayso Soomaaliya

Cumar Geele

Hargeysa(Salaanmedia.com)April.23.2014-Dawladda Jabuuti, ayaa shaaca ka qaadday inay si dhakhso ah Ciidammo iyo Saraakiil sar-sare u dirayso Soomaaliya, si ay u xoojiyaan Ciidammada halkaas hore uga joogay Jabuuti oo qayb ka ah hawlgalka AMISOM.

Dawladda Jabuuti ayaa sheegtay inay ciidamo dheeraad ah u soo dirayso Soomaaliya si ay qayb uga noqdaan Ciidamada ka jooga Soomaaliya oo ka mid ah Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM, kuwaasoo ay sheegtay inay qayb muhiim ah ka qaadan doonaan sugidda ammaanka dalka Soomaaliya iyo la-dagaallanka lagula jiro Kooxda xag-jirka ah ee Al-Shabaab oo dagaal kula jirta dawladda Soomaaliya iyo xulufadeeda.
Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa hadalkan ka sheegay shir uu la qaatay Wefti ka socday Golaha Ammaanka iyo nabad-galyada Midawga Afrika oo booqasho ku jooga waddanka Jabuuti.
Sarkaal u hadlay Madaxtooyadda Jabuuti, ayaa u sheegay Wakaaladda wararka Antolia ee dalka Turkiga in dowladda Jabuuti ay Soomaaliya u diri doonto Ciidammo dheeraad ah iyo Saraakiil caawinaya, kuwaasoo qayb ka noqon doona howlgalka AMISOM. “Waxaan go’aansannay in Saraakiil sare iyo Ciidammo Jabuutiyaan ah aan u dirno Soomaaliya si ay Ciidammadayda u caawiyaan.” ayaa lagu yidhi warka kasoo baxay Madaxtooyada dalka Jabuuti.

Salaanemdia/Hargaysa