Dib U Milicso: Madaxweyne Siilaanyo Oo Wakhtigii Uu Mucaaridka Ahaa Ka Digay Muddo Kordhin Loo Sameeyo Xukuumadii Daahir Riyaale

Dib U Milicso: Madaxweyne Siilaanyo Oo Wakhtigii Uu Mucaaridka Ahaa Ka Digay Muddo Kordhin Loo Sameeyo Xukuumadii Daahir Riyaale

Siilanyo Mucarid

Hargeysa(Salaanmedia.com)April.23.2014-Madaxweynaha hada ee Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa wakhtigii uu mucaaridka ahaa waxa uu si weyn uga soo horjeeday in guurtidu muddo kordhin u samayso Xukuumadii.Daahir.Riyaale.

Madaxweyne Siilaanyo dagaalka uu kaga soo horjeeday muddo kordhin loo sameeyo Xukuumadii Riyaale kuma ay koobnayn oo kaliya Somaliland gudaheeda,waxaase uu bulshada caalamka cod dheer ku gaadhsiin jiray sida uu uga soo horjeedo in doorashada dib loo dhigo.

“Waxaan jecelahay inaan kelmad ka idhaahdo marxaladan uu maanta dalku marayo mawqif aad iyo aad u adag baynu taaganahay, waxaynu ku soo caano-maalnay Dimuqraadiyad, waxaynu nahay dal go’aansadey inay dalkooda ku dhistaan dimuqraadiyad, Cadaalad, sinnaan iyo Wadajir.”

“Markuu ka soo bixi waayey ayuu damcay inuu qaato dariiqii kalitalinimada taasi haday dhacday oo dhawr jeer hore laga gar naqey oo heshiiskii laysku ogaa , oo kii ugu danbeeyeyna la ogaa, ee umadda iyo caalamkuba isla ogaa ee ahaa; Haddii ay doorasho dhici weydo inaanu madaxweynuhu isa soo taagin oo uu maanta ka gilgilanaayo oo komishankii iyo cid waliba ay cadaysay inaanay doorasho dhacayn.”

“Waxaa war war badan laga qabaa in guurtida sida uu golihii kale ugu tuntay ee uu laaluusha ula dhex galay, ee xumaan la dhex galay ,ee uu markii uu taagi waayey golihii ka xidhey , uu maantana la yimaado farsamo xumo ah inuu arrintaa maanta ummadda faraha badani ku dhex jirto ee taladeedii iyo arrinkeedii socdo inuu la yimaado inuu guurtida ku khasbo oo uu yidhaahdo ii kordhiya iyada oo uu waqtigiisu uu dhacay.”

“Markaa halkaasi waxaa aanu jecelnahay anaga oo ixtiraam fara badan iyo qadarinba guurtida u hayna aanu halkaa ka muujino dareen ah , Hadii ay si deg-dega guurtidu ugu dhaqaaqdo inay la timaado kordhin uu waqtigeedii uu dhamaadey inaan dareenka shacbiga aanu ahayn mid ay aqbalayaan, waxaanu jecelnahay anaga oo guurtida qadarin u hayna inay arrintaasi digtooni laga qabo oo aanay gaadmo ummada ku iman , gaadmo lama filaan ah oo aan la odhan mar qudha lix bilood baa loo kordhiyey ama saddex bilood baa loo kordhiyey, dadweynuhuna waa inay hadii ay dhacdo dareenkooda ka muujiyaan oo ka hawl galaan guurtidu meesha ay joogaan una sheegaan”.