Dhalinyaradda JIIDALI Ee SUBEER AWAL Oo Casumaad Ku Qaabilay Masuuliyiinta Wargeys Yada Xukumaddu Qafaaalatay Ee HUBAAL Iyo HAATUF + Sawiro

Hargeysa(SM)Ururka Dhalinyarada ee Jiiddali ayaa Kulan Afur iyo Casho isugu lammaan Caawa U Sammeeyey Mas’uuliyiinta labada wargeys ee Xukuumadda Somaliland Albaabada U laabtay ee HUBAAL iyo HAATUF.

Hargeysa(OWN)Kulankaas oo  galabta ka dhacay Hotel-ka Imperial ee Magaalada Hargeysa Waxa ka soo qayb galay Hoggaanka sare ee ururka Suxufiyiinta Somaliland Ee SOLJA, Guddoomiyeyaasha  Wargeysyada Haatuf/Somaliland Time iyo HUBAAL/Independent Muj. Yuusuf Cabdi Gaboobe iyo Maxamed Axmed Jaamac (Calooley), Tifaftirayaasha guud ee HAATUF iyo HUBAAL Axmed Cali Cige iyo Xasan Xuseen Cabdillaahi Keefkeef, Siyaasiyiin, Sharci-yaqaanno, Xubnaha ururka Jiidali, dhalinyaro iyo marti sharaf kale.

Guddoomiyaha ururka Jiidali oo munaasibadaas ka hadlay ayaa  ujeeddada kulankan ku tilmaamay mid ay ku dhiiri gelinayaan labada wargeys ee xukuumaddu cudhisay iyo tacadiga caddaalad darrada ku dhisan ee ay kala kulmeen.

Guddoomiye ku xigeenka Ururka Suxufiyiinta Somaliland Ee SOLJa Maxamed Cabdi Guuleed (Curad) oo isna madashaas ka hadlay ayaa ku bogadiyey ururka soo qabanqaabiyey kulankan isaga oo tilmaamay in tallaabada ay qaadeen ee ay ku dhiirigelinayaan  Xorriyatul qawlku tahay mid muhiim ah oo ay ka furteen SOLJA Ahaan.

Guddomiyeyaasha labada wargeys ee HUBAAL iyo HAATUF iyo tifaftirayaashooda ayaa iyaguna madasha khudabdo ka jeediyey, waxaanay ka warrameen xaalada saxaafadda Somaliland maanta marayso iyo waxyaabo dhaqan ahaan ku cusub saaxadda warbaahinta oo ay xukuumaddu soo kordhisay intiia y talada haysay.

Garyaqaan Muuse Yuusuf Maxamed oo kamid ahaa sharci yaqaannadii u doodayay Masuuliyiinta HAATUF iyo HUBAAL Waqtiyadii ay dacwadu ku socotay ayaa isaguna halkaas ka hadlay.

Waxa kale oo kamid ahaa dadkii  madasha ka hadlay Mujaahid Maxamed Biixi Caalin (Ootto) iyo Siyaasiga Madaxa banaan ee Axmed Ismaaciil Like.

1-tile

 

1-vert

IMG_0315-tile

kulan

kjlan 2

IMG_0315-vert

Â