HALA HAKIYO :HABARTA KA TOOSTAY HARGEISA “MAGAADO”.

HALA HAKIYO :HABARTA  KA TOOSTAY   HARGEISA “MAGAADO”.

unnamed

Intii Xukuumadda KULMIYE  jirtay , waxa  Somaliland hadheeyay qabyaalad  khatar ku ah  jiritaanka  Somaliland.  Qabyaaladaas waxa  dhagax dhigay “Madaxwayne Siilaanyo . Sida lo ogyahay, shirkii GARADAG  ee beelaha HJ wuxuu  saamayn weyn ku yeeshay  geedisocoda dimuqraadiyada Somaliland. Shirkaasi  waxa  kursiga ku fuulay Madaxwayne Siilaanyo. Laakinse  beel waynta HJ ee sharfta iyo karaamada lehi maxay  ka fa’aideen “Xukuumadda Axmed Siilaanyo”? Waxa qudha ee ay  ka fa’ideen  waa hafar, masabid  iyo  aflgaado . 

 

Hadaba ,waxa  iminka  soo baxay  dhaq-dhaqaaq  ku cusub saaxadda “Somaliland “’ oo la yidhaahdo “Habar Magaado “. Su’asho  waxa weeye : “HABAR MAGAADO” jawaab quman  ma u noqon karta   “HABAR XABOOSHEED ”. Waxay ila tahay, waa jawaab qaldan oo jaahilnimo ka muuqato.

Waa qabyaalad caadifadaysan     oo ay maal-gelinayaan  ganacsato & siyaasiyeen ku shaqaysanyaa  dhalinyaro jibaysan.Waxay iila muuqata  inaan  qaladkii “ Garadag “ lagu saxin  qalad  kale oo ah “Gabiilay/Oodwayne/Baligubadle/Salaxlaey/Saaxil” axis. Dhaliyaradda  jibaysan ee  hawshaas  ku  dhex jirta  iyo saxaafadda buun- buunisa  waxa  inay  si dhakhso u joojiyaan. Hogaanka Axsaabta Mucaaridka  ahi , waa inay ka fogaadaan in lagu sawiro dhaqadhaqaas dhagaraysan. Ugu danbayntii, “Axmed  wuu tegayaa  ee si toogan haloo tukhaan-tukhiyo “

Ali Ibrahim “ BAQDAADI” , Toronto.