Hooyada dhashay Cristiano Ronaldo Oo daaha ka Rogtay Arrin Naxdin Leh

Hooyada dhashay Cristiano Ronaldo Oo daaha ka Rogtay Arrin Naxdin Leh

CRISTIANO RLONDO

C. Ronaldo hooyadii Dolores Aveiro ayaa daaha ka rogtay inay ku sigatay inay iska soo rido uurka C. Ronaldo markii ay ahayd xaamiladiisa sababo daruufo adag aawadii. Dolores ayaa buugeeda cusub ay nolosheeda uga taariikheynayso ku soo bandhigtay magaalada Lisbon ee dalka Portugal iyadoona sheegtay inay rabtay inay iska soo rido uurka C. Ronaldo balse uu dhakhtarka ka diiday midaa“Waxaan doonay inaan iska soo rido uurkiisa balse dakhtarku iguma aanu caawin go’aankeyga.”Ayay ku warantayC. Ronaldo hooyadii sida laga soo xigtay daily Star. Waxa ayna intaa kaddib sheegtay in C. Ronaldo markii uu ogaaday in hooyadii ay mar isku dayday inay iska soo rido uurkiisa uu ku yidhi “Hooyo, waxaad rabtay inaad iska soo rido uurkeyga iminkana aniga gacanta ku haya reerka”.