Ninku Marka Uu Ka Durugsan Yahay Xaaskiisa Waa Ay Ku Adagtay In Uu Gabadh Kale Minyaraystaa

Ninku Marka Uu Ka Durugsan Yahay Xaaskiisa Waa Ay Ku Adagtay In Uu Gabadh Kale Minyaraystaa

MIYARO

Sahamin cilmiya oo dhowaan la sameeyey ayaa soo saartay natiijo cusub oo burinaysa fikir dad badani aaminsan yihiin oo ah in qofka “Isha ka fogi uu qalbigana ka fog yahay” In kasta oo aan la diidi karin in markasta oo lammaanaha is jeceli ay kala durkaan, uu qalbigoodu kala fogaanayo jacaylkii u dhexeeyeyna yaraanayo, haddana daraasad tiro koob oo dhowaan lagu sameeyey dalka Germany, ayey natiijadeedu daahfurtay in lammaanaha is qaba ee is jecel balse ku kala nool dhul ay u dhexeyso masaafad fogi uu xidhiidhkoodu mar walba yahay mid ku dhisan badhaadhe, farxad iyo kalgacal ka badan kuwa wada nool. Daraasaddan oo lagu faafiyey majaladda Fox ee ka soo baxda dalka Jarmalku waxa ay sheegtay in haddii lammaanuhu ku kala nool yihiin meelo kala fog ugu yaraan saddex sano, laakiin markii isugu dambaysay ay ku kala tegeen jacayl iyo qalbigooda oo isu nadiif ah uu xidhiidhkooda kalgacal ka badan yahay kana adag yahay kuwa iska soo ag toosa. Vany oo ah aqoonyahannad ku takhasusay cilmi nafsiga waxna ka dhigta jaamacadda Humboldt ee dalka Germany isla markaana kormeere ka ahayd daraasaddan ayaa iyada oo ka hadlaysa arrintan waxa ay sheegtay in mar kasta oo lammaanuhu kala fog yahay uu isu qabo boholyaw badan iyo jacayl ay xiiso isugu qabaan aragti, “Laakiin shardiga kala fogaanshiyahan ku xidhani waa in aanay muddadiisu ka badan saddex sano, haddii kale kala raalli ahaanshaha iyo jacaylka ka dhexeeya labada qof dib ayuu hoos ugu noqdaa” ayaa ay tidhi aqoonyahannadani iyada oo tilmaamaysa in kala fogaanta laga hadlayaa tahay ta aanay muddadeedu dheeraan. Waxa ay Vany sheegtay in arrinta kale ee muhiimka ah ee lagu ogaaday daraasaddani tahay in ragga ku nool meel ka durugsan xaaskoodu ay inta badan dhif-dhif ku kacaan khiyaamo iyo raadsi gabadh kale, marka la barbar dhigo kuwa la nool xaasaskooda oo iyagu mar walba laga yaabo inay arkaan wax aanay jeclaysan ama uu dhex maro muran. Daraasaddan baadhitaankeeda waxa lagu tijaabiyey dad ka badan 1500 oo lammaane oo da’doodu u dhexeyso 18 jir illaa 66 jir kuna kala nool meelo kala duwan, natiijadeeduna waxa ay ku ururaysaa in ninku marka uu xaaskiisa ka fog yahay uu inta badan xasuusto wanaaggeeda iyo weliba dharaarihii fiicnaa ee ay wada qaateen taasina ay keenayso in aanu xiisayn in uu gabadh kale xidhiidh la yeesho, laakiin marka uu agteeda joogo uu xaalku taas liddigeeda yahay, oo mar kasta uu ku fikiro in uu ka yara aag beddesho, ama ugu yaraan uu helo gabadh kale oo uu ka raadiyo wax yaabaha uu xaaskiisa ku qawadsan yahay.