“Xukuumadu maaha in ay ku adkaysato Wadahadalada iyadoo ay Dawlada Somalia Dafirtay Jiritaanka Xasuuqii Jasiira isla markaana Danbiileyaal u magacowday Masuuliyiinteeda u saraysa” Xoghayaha Guud Xisbiga Waddani USA

0

Waxaan Maalin dhawayd arkayay in Wasiirka Arimaha Dibeda Somaliland uu ku dhawaaqay in ay Xukuumad ahaan sii Wadi doonaan Wadahadaldii Somalia iskana indha tirayaan baaqii asxaabta mucaaridka ahaa ee in la joojiyo wadahadaladii ay Somaliland la lahayd Dawlada Itaalka daran ee Somalia. 

Waxa wax lala yaabo ah in Xukuumada Somaliland wali ku idha adagtahay in ay la sii wado wadahadaladii Dawlada Somalia inagoo og in Xukuumada Somalia ay ka baxday heshiiskii kali ahaa ee aynu la galnay laguna kala saxeexday in hawada Somaliland/Somalia laga maamulo Hargeisa inta wadahadalada meel la isla dhigayo. 
Waxa wax lala yaabo ah in ay Xukuumadu sii wado wadahadalada iyadoo ay Dawlada Somalia faro gelin qaawan ku hayso Xuduudaha Somaliland isla markaana ay wado dagaal diblomaasiyadeed oo ka dhan ah Somaliland. 
Waxa wax lala yaabo ah in Dawlada itaalka daran ee Somalia ay ka hadasho midnimo loo sameeyo umad Soomaaliyeed isla markaana ay dafirto jiritaanka Xasuuqii Jasiira ee lagu bartilmaameed sanayay dadkii rayidka ahaa ee ka soo jeeday Somaliland ee lagu laayay Jaziira.
Waxa wax lala yaabo ah in Xukuumada Somalia ay ka hadasho midnimo umad Somaliyeed iyadoo si indho la’aan ah Danbiile xasuuq ka gaystay Somaliland oo ka dhan ah dadka reer Somaliland u magacawdo taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed. Waa ku cay, aflagaado, iyo dafiraad aan la qiyaasi karin.
Hadaba waxa ka sii liita oo Umada reer Somaliland cadawgeeda u jabinaya Xukuumadan bilaa talada iyo jihada ah ee aan lahayn siyaasad iyo istaraatijiad cad oo ay ka duusho isla markaana wada hadal la soo taagan iyadoo aynu ognahay in aanay Xukuumada Xasan diyaar u ahayn.
Maxamed-Nasir M Dhoore
BA-Law, MS-Criminal Justice
Xoghayaha Guud Xisbiga Waddani USA
Minneapolis, MN.