Silaanyo oo caafimaad qabaa dibada uuma baxeen waqtigan dalkuna khal-khalka ku jiro ee xuduuduhuna xidhan yiin by Abdi Mustafe

maqaal
Si naba uumay dhacdeen in Silaanyo dalka ka dhoofi lahaa doorkan isagoo caafimaad qaba sabab too ah wadanki gebigiisiba khal-khal ayuu ku jiraa. Silaanyo caafimaad kiisa oo aad u liita dartii ayuu dalka uuga baxay. Meel dalka u fayo qabtaa ma jirto xuduudihii Ethiopia iyo jabouti wey xidhan yiin.
Waxa Somaliland lagu tuhmay in wasiiro badan oo al-shabaab ihi joogaan. Madaxtooyada dadkii ku xeeraa in badan baa ka fogaatay oo wax kale daayoo dumarkii Amina Weris dalka la xukumayay in badan baa ka tagtay markii Kulmiye bur-buray. Silaanyo iyo Xirsi kala dheeraada oo waa kaa aan safarkii UK aan u raacin ee cimrada Xirsi jooga. Wasiiradii Habar Yoonis iyo kuwii Subeer Awal wada hadalo ayaa u socda labada xisbida ee mucaaradka ah. 
Amina Weris kolba dhan bay u basaq-basaq leeday oo ay ciise muse iyo sacad muse isleeday soo celi laakiin waa lagu qoslaa. Silaanyo isagu waa marfuuc al-qalam oo xanuun kiisa ayaa cusleeyay. Amina Weris weli waxay ku dadaalaysaa in ay dalka sii xukunto oo ay Silaanyo soo rag-ragacdo laakiin maanta xanuunku wuu dhaafsanayay mid la kab-kabo oo in aannu Londn ba ka soo noqon baa laga yaabaa oo halkaa lagu xanaaneeyo. Morgan afar cisho ka hor ayuu sii dhoofay intaan Silaanyo dalka ka bixin si haday arimuhu adkaadaan uu halkaa uugu negaado ileyn Somaliland u la’ e. Al-muhim xukun qar-qooshkii qoyska Silaanyo waa gebaabsi cid walibana wey ogtay. Labadii xisbi mucaarad ayaa la isku wada shubay oo looga baqayaa in ay fatahaan. Bye Bye Silanyo + Amina Weris + Morgan + Xirsi + Wejixun + Muhanad + wasiirka uugu jaahil san een skuulba soo marin ee beeraha.