DARAASAD: Xidhiidhka Qoyska Oo Xoogaysta Bisha Ramadaan

DARAASAD: Xidhiidhka Qoyska Oo Xoogaysta Bisha Ramadaan

BISHA RAMADA

Cilmi baadhayaal aan aaminsanayn diinta Islaamka oo ka tirsan waddamada reer galbeedka ayaa cilmi baadhis cusub oo ay sameeyeen dhowaan ku shaaciyay in xidhiidhka iyo hab dhaqanka qoysku aad u wanaagsanaado bisha barakaysan ee Ramadaan. Cilmi baadhistan oo ay sameeyeen khabiirro ka tirsan jaamacadaha dalalka Ingiriiska, Jarmalka, Belgium iyo Holland, waxa ay muujisay in xidhiidhka qoysku aad u wanaagsanaado inta lagu gudo jiro bisha barakaysan ee Ramadaan, gaar ahaan lammaanaha qoyska oo gala xaaladda ugu wanaagsan ee noloshooda. Sida warbixintu caddaysay, cibaadada badan iyo is beddelka nololeed ee Ramadaantu waxa ay abuurtaa, in dadku yeesho dabeecado iyo hab dhaqan ka wanaagsan kii hore, waxaana bata dulqaad iyo is tix galinta, labada dhinac ayaa mid waliba dareemaa ahmiyadda iyo kaalinta uu qofka kale kaga aaddan yahay. Warbixintan ayaa sidoo kale xustay in haweenku wakhtiga bisha barakaysan ee Ramadaanta lagu jiro ay yareeyaan, madax taagga iyo tartanka ay ragga kula jiraan, halka dhinacoodana ay raggu ka dareemaan, ahmiyadda iyo kaalinta ballaadhan ee afadiisu ugu jirto, tix galin badana ay dhexdooda ka abuuranto. Baadhayaashan ayaa rayi ururintooda ku waraystay in ka badan, kun iyo shan boqol oo lammaanayaal qoys ah, kuwaas oo mid walba caddeeyay sida uu ugu qanacsan yahay lamaanihiisa iyo sida tix gelintoodu uga fiicnaato wakhtiyada kale. Dadka ra’yigooda la weydiiyay ayaa mid walba rag iyo dumar sheegay in khayrka iyo dedaalka badan ee cibaadadu kor u qaado, nolosha qoyska isla markaana abuuro jawi is jacayl iyo is tix galin ah. Rag badan ayaa sheegay in waxyaabo badan oo marka hore ay indhaha ka lalinayeen ay dhacaan bisha barakaysan ee Ramadaan, iyaga oo tilmaamay in haweenku bisha Ramadaan qabtaan, hawlo badan oo shaqadu ku laban laabanto, sidaa awgeed ay tix galin badani imanayso oo qof kasta oo caqligiisu sax yahay, dareemi karo, qiimaha iyo kaalinta afadiisu ugu fadhido. Isku soo wada duuboo, waxa ay warbixintani caddaysay sida nolosha iyo xidhiidhka qoysku u fiicnaado inta lagu gudo jiro bisha barakaysan ee Ramadaan, taas oo gaadha heerka ugu fiican ee sannadka intiisa kale, xaaladdan iyo isbeddelkan ayaa qaar badan oo ka mid ah muslimiintu ay ku tilmaameen mid ka dhalanaysa shaydaanka oo la xidh xidho inta lagu jiro bisha barakaysan ee Ramadaan