Klose Oo Ku Dhawaaqay Waqtiga Uu Ka Fadhiisanayo Ciyaaraha Caalami ah

Klose Oo Ku Dhawaaqay Waqtiga Uu Ka Fadhiisanayo Ciyaaraha Caalami ah

KLOSE

Weeraryahanka xulka Qaranka Jarmalka iyo kooxda SS Lazio Miroslav Klose ayaa shaaca ka qaaday in uu ciyaaraha Caalami ka fadhiisan doono xilli ciyaareedka soo socda 2015. Klose oo 36 sanno jir ah, isla markaana ah xiddigga ugu goolasha badan Koobka Adduunka (16 gool) ayaa Wargeyska Bild ee ka soo baxa Jarmalka u xaqiijiyay in uu go’aan ku gaadhay in isagoo sharaf leh uu ka fadhiisto Jarmalka. Dhaliye Klose oo Lazio ku soo biiray Bishii July 2011 ayaa dhowaan kordhiyay qandaraaskiisii kooxdaasi, waxaana tani macneheedu yahay in uu waayihiisa ciyaareed ku soo geba gebaynayo garoonka Olimpico.