Xidhiidhka Kubada cagta Brazil Oo Mar kale u magacaabi doonna Xulka Qaranka Tababare Dunga

Xidhiidhka Kubada cagta Brazil Oo Mar kale u magacaabi doonna Xulka Qaranka Tababare Dunga

TABABARE DUN

Xulka Brazil ayaa la soo warinayaa inay ku dhawaaqi doonaan in Dunga uu yahay tababarahooda cusub. Xulka Koonfurta Mareykanka ayaa ilaa hadda aan haysan tababare hoggaamiya, kaddib markii uu iska casilay xilkaas todobaadkii hore macallinkoodii Luiz Felipe Scolari, waxaana xulka Selacao ay qorsheynayaan inay hoggaanka u dhiibtaan ciyaaryahankoodii hore ee Dunga. Macallin Scolari ayaa xilkan ka dagay, kaddib markii koobka Adduunka xulkiisa Brazil oo marti gelinayey koobka sannadkan ay semi-finalkii guuldarro 7-1 kala kulmeen xulka Germany. Sida ay daabacday jariiradda Daily Mail, xidhiidhka kubadda cagta Brazil ayaa u magacaabi doona Dunga tababaha cusub ee xulka. Dunga ayaa hore u hoggaamiyey Brazil intii u dhaxaysay 2006 ilaa 2010, laakiin waa laga caydhiyey shaqadaas quarter-finalkii Koobka Adduunka, markii ay xulka Netherlands ku wajahayeen South Africa. Inta lagu guda jiray xirfaddiisa ciyaareed Dunga 91-kulan u saftay Brazil, waxaana uu u soo noqday kabtan dalkiisa guushii koobka Adduunka ee sannadkii 1994-kii