WAR CUSUB: Manchester City Oo rabta inay Chelsea Ka Afduubato Libaaxooda Drogba

WAR CUSUB: Manchester City Oo rabta inay Chelsea Ka Afduubato Libaaxooda Drogba

MANCHISTER UNIT

Kooxda kubadda cagta ee Manchester City ayaa waxaa ay qorshaynaysaa in ay fuliso howl gal ay u badantahay in uu fashilmo kadib markii ay sheegtay in ay soo xero galinayso libaaxii kooxda Chelsea Didier Drogba kaasi oo maalmahan la hadal hayay in uu ku soo laaban doono kooxdiisii hore ee Chelsea. 36-jirkan ayaa waxaa uu yahay mid xor ah kadib markii uu dhacay heshiiskii halka sanno ahaa ee uu la galay kooxda Galatasaray bilowgii sannadkan waxaa aad loo hadal hayaa in uu ku soo laaban doono hoygiisii Stamford Bridge. Jariidad Daily Star ayaa waxaa ay qoraysaa in kooxda City xidhiidh la samaysay Drogba si ay dib ugu soo celiso England, laakiin taasi ayaa noqon karta howl adag. Macalinka kooxda Manchester City Manuel Pellegrini ayaa waxaa uu aaminsanyahay in xiddigii hore ee Chelsea uu wax badan ka tari doono dhanka weerarka isaga oo raba in uu ku buuxiyo booskii uu baneeyay weeraryahanka reer Spain ee Alvaro Negredo kaasi oo lugta ka jabay muddo bilooyin ahna garoomada ka maqnaan doona sidoo kale waxaa macquul ah in Stevan Jovetic uu ku biiro kooxda Inter Milan. Riyada ah in kooxda Citizens-ka hesho Drogba ayaa noqon doonta mid ay dad badani la yaabaan waayo xiddigan ayaa waxaa loo balan qaaday ciyaartoy iyo macalin kooxdiisii Cheslea oo uu dhaliyay 157-gool isaga oo u qaaday koobkii ugu qaalisanaa taariikhda kooxda oo ah Champions League.