Majaladaha Ciyaaraha Oo Siyaabo Kala duwan Uga hadlaya Heshiiska Uu James Rodriguez Ugu biirayo Real Madrid

Majaladaha Ciyaaraha Oo Siyaabo Kala duwan Uga hadlaya Heshiiska Uu James Rodriguez Ugu biirayo Real Madrid

MAJALADAHA

Majaladaha ka faallooda ciyaaraha ayaa siyaabo kala duwan uga hadlaya heshiis uu laacibka James Rodriguez ugu biirayo kooxda Real Madrid. Laacibka xulka qaranka Colombia iyo kooxda AS Monaco ayaa la filayaa in kooxda Real Madrid ay dhawaan soo xidhto heshiiskiisa, waxaana majaladda Cadena Cope ay sheegaysaa in Real Madrid ay kula soo wareegtay laacibkan adduun dhan 70 Milyan oo Euro oo lagu daray shan milyan oo ay bixinayso Real haddii uu xiddigan ku guuleysto kubadda dahabka ah. Caught offside ayaa qabta in Rodriguez uu saxeexi doono heshiis shan sanno ah oo uu kula sii joogayo Real Madrid, isagoo qadan doona 8 milyan oo Euro sannadkiiba, lacagtii uu ka helo dhanka xayeysiintana 40% waxaa leh laacibka, 40% kalena waxaa leh kooxda, halka 20% uu qaadan doono wakiilka laacibkan. Wargeyska Marca ee ka soo baxa Spain ayaa isaguna daabacay in xiddigan uu xidhan doono funaanada (No 10) ee Real Madrid, lana filayo in kooxdu ay heshiiska xiddigan ku dhawaaqdo maanta. Dhanka kale Jariiradda AS ayaa sheegeysa warkaas war ka duwan waxaana ay leedahay laacibku waxa uu u saxiixi doonaa Real Madri heshiis lix sano ah, waxaana uu qaadan doonaa 7 Milyan oo Euro sanadkiiba.