Axmed Mido Oo noqday Macalinkii Ugu da’da yaraa Ee koob Kula guulaysta Kooxda Masaari ah

Axmed Mido Oo noqday Macalinkii Ugu da’da yaraa Ee koob Kula guulaysta Kooxda Masaari ah

AXMED

Weeraryahankii hore ee xulka Masar Axmed Mido ayaa noqday macalinkii ugu da’da yaraa ee koob la qaada kooxda ciyaarta horyaalka Masar, kadib markii uu la qaaday kooxda Zamalek koobka Egyptian cup. Weeraryahankii hore ee kooxda Tottenham ayaa ah 31-sanno waxaana uu waqtigiisa badan ku qaatay isaga oo xilli badan joogay England oo uu u soo ciyaaray shan kooxood oo kale duwan sida Tottenham, Middlesbrough, Wigan, West Ham iyo Barnsley. Markii uu ku soo laabtay Masar waxaa uu noqday macalin inkasta ay is khilaafeen maamulka sare ee kooxda Zamalek, hadana waa guul ay xuseen taageeraaysha kooxdiisa. Mido ayaa u dhaliyay 19-gool kooxda Tottenham laba sanno iyo badh uu joogay waxaana uu waqtigiisii hore uu la qaatay 2000. Kooxda kubadda cagta ee Zamalek a 1-0 kaga badisay kooxda Smouha, balse Mido ayaa ka tagi doona shaqada kooxda.