MADAX DHAQAMEED IYO WAX-GARAD KA HADLAY SEERAHA BANKA AROORI IYO FARIINTA AY DIREEN

MADAX DHAQAMEED IYO WAX-GARAD KA HADLAY SEERAHA BANKA AROORI IYO FARIINTA AY DIREEN

AROORI

Burco (Salaanmedia.com) Shir-Jaraid Oo ay Magaladda Burco ku Qabteen Xildhibaano,Saladiin,Cuqaal,Aqoon-Yahan iyo Waxgaradka Degaanka Banka Aroori Ee Magaladda Burco ayaa eedayn baladhan usoo jeediyay wasaradda xanaanadda xoolaha somaliland oo ay ku Eedeyeen inay Doonayso inay bankaasi aroori ku Xanaanayso Xoolaha ka Yimaada Gobalada Konfureed Ee Dalka Somalia

Shirkani Jaraid Oo ay Goob joog ka ahayeen Xildhiban Cabdikariim Maxamuud C/Laahi Oo ka Tirsan Golaha Degaanka Burco,Suldaan Maxamed Muuse Cune.Ugaaska Guud Ee Dhalinyarada Somaliland Ugaas Nagiib Faysal,Cuqaal iyo Waxgarad Tirro Badan.

Waxaanay Waxgaradkani Shirka Jaraid Qabtay ayaa Sidoo Kale Shegeen inay Aanay Haba-Yaratee Aanay Wasaradda Xanaanada Xooluhu Aanay Seeri Karin Banka Aroori iyadoo Aanay Wax ka Waydiin Dadka Dega Degaankaasi.
Ugu Horraynba Waxa Halkaasi ka Hadlay Suldaan Maxamed Muuse Cune Oo ka Mid ah Saladiinta Gobalka Togdheer Waxaanu Shegay inuu Wasiirka Xananada Xooluhu Uu Qandaraas ku soo Qaatay Sidii Uu Ganacsato Carbeed Gacanta Ugu Galin-Lahaa Banka Aroori.

Waxaanu Sidoo Kale Suldaanku Xukumadu Uga Digay inay Dib Rabshad iyo Fadqalalo uga Abuurto Degaanka Aroori.

Waxaana ka Mid ahaa Hadalidisii ” Waxa Caawa Halkan Wada Fadhiya Dadkii ahaa Degaanka Aroori Waxaanu ka Digaynaa Dadka Wada inay Degaanka Aroori Seero uga dhigaan dad gaar ah,Waxa Muuqata in Bankii Aroori Aan Loo Seerayn Xoolo Ee Loo Seerayo Dad Gaar ah,Wax Aanu Aqbali Karno Maaha Waxaanu Uga Digaynaa inay Dowladdu Arintaas Dib Uga Noqoto Horre Waxa Lagu Laayay Dad Oo iska Horimaad baladhan ayaa ka dhacay,Horre Xiisadii Halkaas Uga Dhacday Dib ayaa Loo Soo Cusbonaysiiyay,Hadii Bananka Bal Cow iyo Sanyare la Seero Aroorina Waa la Seerayaa,Dadka Degaanku Marnaba Aqbali Mayaan in Banka Aroori Oo Kaliya la Seero,Waxaan leeyahay Dowladda Dadka Yaan la iska Hor Keenin Oo Qoryaha Guryaha Yaala Yaan Dabada Loo Soo Saarin,Waxaad Modaa inay imika Wadankii ay Qabsadeen Koox Maafiyo ah Oo Meel Kasta Dilaal ka Da-yaya” Ayuu Yidhi Suldaan Maxamed Muuse Cune

Suldaan Ismaaciil Siikawi Oo isaguna Shirkaasi Jaraid ka Hadlay ayaa Dhankiisa Eedayn Baladhan usoo Jeediyay Wasiiradda Xukumada Silanyo Oo Uu Tilmaamay inay Yihin Kuwo isticmalaya Awoodi Madaxwaynaha isla Markaasna Shaqadii Loo Dirtay Kaga Mashquulay Dilaal-Nimo

Waxaana ka Mid ahaa Hadalidisii ” Wadanka Dhibatadda Banka Aroori Oo Kaliya ka Jirtaa Kama Jirtee Dhibaatoyin Badan ayaa ka Jira Wasiiraduna Way usoo Dilaal tageen,Anigu Suldaan ahaan ma qabo inuu Madaxwaynuhu Lacag Doonayo Oo Uu Dilaalkan ka Mid Yahay Lakiin Wasiradisi ayaa Markii la Bedali Waayay oo ay ka mid noqdeen golaha toorada ee sare waxay ka shaqeyeen sidii ay lacag ku heli lahayeen,Wasiiradan dhalinyarada ahi Meel kasta way faro galiyeen si ay dilaalnimo uga helaan,Madaxwaynaha Waxaan Leeyahay Madaxwayne Wasiradada Badal ilayn iyaga manaan doorane,Aroori Waxa la Yidhi Waxa Xukuma Ganacsato Dhawaan Waxa Dhacday in Banka Aroori Uu Keenay Ganacsadaha Al-Jaabiri 45 Kun Neef Oo Xanuun Qaba,Xanuunkii ay Qadeen Xoolihii Horre Ugu Nolaa Degaankaasi 1500 Neef Oo ah Adhigii Sanadkaasi Dhashay Way Dhinteen” Ayuu Yidhi Suldaan Siikawi

Ugaaska Guud Ee Dhalinyaradda Somaliland Ugaas Nagiib Faysal oo isaguna dhankiisa halkaasi ka hadlay ayaa xukumada ugu baaqay inay faraha kala baxdo banka aroori.

Waxaana ka mid ahaa Hadalidisii ” Waxaan caawa halkan baaq uga dirayaa xukumadda talada hayso oo aan leeyahay hore waa tii loo ogaa wixii ka dhacay banka aroori inay dad ku dhinteen markaas waxaan leeyahay xukumadu faraha ha kala baxdo aroori hadii la seerayo iyo hadii kalaba waa mid u taala dadka reer guuraga ah ee degan degaankaasi,Dastuurka somaliland meelnaba kagama taalo in dhul daaqsimeed uu hoos tago wasaradda xanaanadda xoolaha waayo banka aroori waxa xaq u leh inay maamusho wasaradda degaanku,Waa Wax Lala Yaabo in Shaqadii Wasaradda Degaanka ay Faraha Kula Jirto Wasaradii Xananadda Xooluhu” Ayuu Yidhi Ugaaska Guud Ee Dhalinyarada Somaliland

Sidoo Kale Waxa iyaguna Shirkaasi Jaraid ka Hadlay Cuqaal,Odayaal iyo Waxgarad Tirro Badan Waxaanay Dhamaantod shegeen in Aanay Marnaba Suurto-Gal ahayn inay Xukumadu Banka Aroori u Seerto Xoolaha ka imanaya gobaladda konfureed ee dalka somalia

Gaba-Gabadii Waxa Shirkaasi Jaraid soo xidhay Xildhibaan Cabdikariim Maxamuud C/Laahi Oo ka Mid ah Golaha Degaanka Burco Waxaanu ugu baaqay inay xukumadu ilaaliso Nabad-Galyadda Gobalka Togdheer.

Waxaana ka Mid ahaa Hadalidisii ” Xukumadda Somaliland iyo Shacabkaba Waxa Dan u ah inay ilaliyaan Nabad-Galyadda,Maxkamadaha Waxaynu u Samaysanay in cidii Faldanbiyee gasha la saaro ilaa iyo imika maxkamad lama saarin cidii masuulka ka ahayd dilkii foosha xumaa ee hore uga dhacay banka aroori,Runtii waxa muuqata in wasiiradda xukumada silanyo ay ka sareyaan sharcigii oo aanay haba-yaratee jirin cid maamusha oo daba gasha dilaal-nimadooda,Hore imay dhicin in qof muwaadin ah oo dhulkii uu lahaa loogo qaado qof kale,Cidii is leh awood ayaad ku Seeraysaan Banka aroori waxaan leeyahay Marnaba dhici mayso in layska seero aroori” Ayuu Yidhi Xildhibaan Cabdikariim Maxamuud