DAWLADDA DALKA JABUUTI OO MARKALE KU DHAWAAQDAY INAY GEBI AHAANBA XIDHAY XUDUUDEEDA

DAWLADDA DALKA JABUUTI OO MARKALE KU DHAWAAQDAY INAY GEBI AHAANBA XIDHAY XUDUUDEEDA

CIIDAMADA-JABUUTI

Hargeysa(Salaanmedia.com)-Dawladda Jabuuti ayaa mar kale ku dhawaaqday maanta laga bilaabo in ay xidhay xuduudkeeda, iyadoo ku sababaysay sida laga soo xigtay madaxda Dalkaasi hawlgalo ay ku xoojinayso amaanka Dalkeeda.

Amarka cusub ee ka soo baxay dalka Jabuuti ayaa dhaqan gali doona maanta, waxaanu socon doonaa sida warku sheegayo muddo toddobaad ah, waxaana lagu soo waramayaa in talaabadani ay noqonayso tii ugu adkayd ee lagu soo rogo dalkaasi.

Dawladda Jabuuti ayaa ku macnaysay bandoogan ay ku soo rogtay Xuduudka mid kor loogu qaadayo amaanka Maalmaha Ciida iyo sidoo kale xafladda Meherka Inan uu dhalay Madaxweynaha Dalkaasi oo uu ku soo casuumay Madax badan oo ka kala timi Mandaqada barriga Afrika.
Amarka Dawladda Jabuuti ayaa ku soo hagaagaya xilli ay Dalkaasi joogaan masuuliyiin badan oo Reer Somaliland ah, kuwaasoo ka qayb galaya xafladda Meherka loogu Geed fadhiisanayo Inan ka tirsan Qoyska Madaxweynaha, taasoo uu soo doonayo mid ka mid ah wasiiradda Xukuumadda Ismaaciil Cumar Geelle.
Xidhitaanka xadka soo noq noqday wixii saamayn badan ku yeeshay shixnado loogu talogalay Ciida oo ay ganacsatada Reer Somaliland ka soo dajiyeen Dekedda Dalkaasi, waxaanu noqonayaa amarakan cusubi mid gabi ahaan ba meesha ka saaray go’aankii ay Dawladda Jabuuti dhawaan ku dabcisay isku socodka labada Dal.