Xukuumadda Somaliland Oo Si kulul Uga jawaabtay Hadal ka soo Yeedhay Madaxweynaha Somalia

Xukuumadda Somaliland Oo Si kulul Uga jawaabtay Hadal ka soo Yeedhay Madaxweynaha Somalia

SAYLICIII

Hargeysa, (Salaaanmedia.com)-Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland ahna ku-simaha Madaxweynaha, ayaa jawaab adag ka bixiyey hadal ka soo Yeedhay Madaxweynaha Soomaaliya oo fadhigii Baarlamaanka ka sheegtay inuu heshiis kula galay badaha Soomaaliya shirkad caalami ah wixii la isku odhan jiray Soomalia. Madaxweyne ku-xigeenku wuxuu sheegay inay Somaliland tahay qaran ka madaxbannaan, isla markaan aanay Somalia maamulin bada Somaliland oo ay Somaliland iyadu maamusho badaheed“Somaliland maanta Somalia ka mid maaha, wakhtibay ahayd ay ka mid ahayd Somalia laga soo bilaabo 18 May 1991-kii, ummad reer Somaliland waxay go’aansatay inay xornimadii ay lixdankii heshay ay walaaladood ula tagtay Koonfur ay dib ula soo noqoto waan dowlad shaqaynaysaa muddo 23 sannadood ah oo lugaheeda isku taagtay.Marka sheegashada maanta ay reer Soomaaliya sheeganayaan maaha mid wax ka jiraan, oo hawada Somaliland iyo Badda Somaliland maaha mid aanu cid gorgortan aanu kala galayna ma jirto, oo wax maamulay Somaliland iyo dadkeeda ayaa maamulaya, cidkasta oo uu heshiis kula galan waxaanu uga digaynaa in aanay u arkin in heshiiskaasi khuseeya xuduuda Somaliland oo ah mid mucayn ah oo xuduudihii mustacmarku ka tagay ah oo la yaqaano.’: Ayuu yidhi Madaxweyne ku-xigeenka oo ka hadlay telefishinka xukuumadu maamusho, waxaanu madaxweyne ku xigeenku hadalkiisi sii raaciyey “Waxaanu leenahay cidkasta oo heshiis kula gashay magaca Somalia, xuduud ama badeed ama xuduud hawo waxay ku kooban tahay wixii Somaliya la odhan jiray ama mustacmaradii Talyaaniga. Madaxweyne ku-xigeenku wuxuu sheegay inay xukuumada ka go’aantahay ilaalinta xuduudaheeda iyo badaheeda “Hore waxaanu u caddaynay iyagoo wiigii horrena golaha wasiiradu go’aan ka soo saareen oo ahaa mid aan na khusaynin, imikana waxaanu ku celinayna Madaxweynaha Somalia, hadii uu baarlamaankiisa wax qabad uga dhigay oo uu ku faanayey waxay ku koobantahay inta uu xukumo.”Ayuu yidhi Saylici