Somaliland Aad Bay Uga Xun Tahay Xasuuqa Yuhuudu U Geysanayso Shacabka Falastiin”Wasiirka Arrimaha dibada Somaliland

Somaliland Aad Bay Uga Xun Tahay Xasuuqa Yuhuudu U Geysanayso Shacabka Falastiin”Wasiirka Arrimaha dibada Somaliland

XASUUQA YUH

Hargeysa, (Salaanmedia.com)-Xukuumadda Somaliland, ayaa si adag u cambaaraysay duqaynta Arxan-darrada ah ee Ciidamada Yuhuuddu ku hayaan Shacabka reer Falastiin, waxaanay ku baaqday inay Israa’iil si deg-deg u joojiso gumaadka ay ku hayso shacabka Gaza, isla markaana u hoggaansanto dedaallada xabbad-joojinta ah ee beesha caalamku ku hawlan tahay. Wasiirka Arrimaha Dibaddu Md Maxamed Biixi Yoonis, ayaa sheegay inay xukuumad ahaan iyo shacabka Somaliland-ba taageero la bar-bar taagan yihiin shacabka aan hubaysnayn ee gumaadku ku socdo, isla markaana isaga oo ku hadlaya Afka Xukuumadda uu ka tirsan yahay ay ugu baaqayaan dawladda Israel inay joojiso xasuuqa shacabka Falastiin una hoggaansato baaqa beesha Caalamka. Wasiirka oo arrimaha ka hadlay wuxuu yidhi “Somaliland aad bay uga xun tahay xasuuqa Yuhuudu u geysanayso shacabka aan hubaysnayn ee muslimiinta Falastiin, waxaanan u soo jeedinaynaa inay deg-deg u joojiyaan duqeynta ay ka wadaan Qaza, una hogaansamaan dedaalada xabad-joojineed ee beesha caalamku ka wado,” Ayuu yidhi Maxamed Biixi Mudane Biixi waxa uu sheegay inay Somaliland taageero iyo duca-ba la barbar taagan tahay shacabka Falastiin ee Israel xasuuqa ku hayso“Waanu ka xunahay dhimashada iyo dhaawaca soo gaadhay shacabka aan hubaysnayn, taageeradayaduna waa inaan la barbar taagan nahay ducada,” ayuu yidhi Md Maxamed Biixi Yoonis.