Sabab Maanta Looga Sheekeeyo Mudda Kordhina Meeshaba Ma Taalo”.

Sabab Maanta Looga Sheekeeyo Mudda Kordhina Meeshaba Ma Taalo”.

BIIXI YOONISS

Hargeysa, (Salaanmedia.com)-Gudoomiye xigeenka Xisbiga Waddani ahna ku-simaha Gudoomiyaha Axmed Muumin Seed, ayaa sheegay in aanay ka xisbi ahaan marna aqbalayn muddo kordhin loo sameeyo Xukuumada Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) Gudoomiye ku-xigeenku wuxuu sidaa ku sheegay shirjaraaid uu shalay ku qabtay xafiiskiisa Magaalada Hargeysa Gudoomiyuhu isagoo arrimaha ka hadlay wuxuu yidhi “ Madaxweynuhu wuxuu sheegay inaan Maalin lagu darayn Doorashada, sabab maanta looga sheekeeyo Mudda kordhina meeshaba ma taalo. Annagu Waddani ahaan diyaar uma nihin, Doorasho dib u dhacda. Runtii sabab Doorashadaasi dib ugu dhacdaana meeshaba ma taalo” ayuu yidhi Axmed Muumin Seed. Gudoomiye xigeenka Waddani waxa uu sheegay inay diyaar yihiin Dhaqaalaha ku baxaya doorashada iyo Codbixinta Diwaan galintu “ Qolyihii inaga Caawinayay Doorashada, waxyaabihii Doorashada aynu ku qabsan lahayn waa la diyaar, Somaliland wixii dhaqaale kaga xidhan ee Doorashada ku baxaya waa diyaar, Diwaan galintii Codbixiyeyaashu bisha 9-aad ayay bilaamaysaa, mudada inoo hadhayna waa Sanad. Runtii Sanadkaas waa lagaga gaadhsiin karayaa Doorasho dalka ka dhacda, runtii in laga sheekeeyo doorasho dib u dhacaysa ayaaba xaaraan ah.” Ayuu yidhi Gudoomiye xigeenka Waddani Gudoomiye Xigeenka Waddani waxa uu dhaliilay Xukumadda Madaxweyne Siilaanyo oo uu sheegay inaanay dadku Xamilayn wakhti dheeraad ah oo xilka sii hayso “Mida kale waxaad ogtihiin, Maanta Somaliland xaaladeedu halka ay marayso. Maaha waxay Shacabka Somaliland qaadi karaan in doorasho dib u dhacdo, waxaad ogtihiin wadamadii Jaarka aynu ahayn ee Ethiopia iyo Jabuuti Xuduudadii way xidhan yihiin, Hawadii waxa maamulaysa Somalia, mudadaas sanadka ka hadhay ayaaba Shacabka Somaliland dirqi ku ah. Markaa Xisbi ahaan anagu in doorashada hore loo soo dhigo ayaanu dalbanaynaa ee marna ma aqbalayno dib loo dhigo doorashada” ayuu yidhi Axmed Muumin