Daraasad: Dabeecadaadu haday sidan tahay Caafimaad darro Ayaad halis ugu jirtaa!!

Daraasad: Dabeecadaadu haday sidan tahay Caafimaad darro Ayaad halis ugu jirtaa!!

DABEECADA

Dadka xanaaqa badan ayaa la ogaaday inay halis laba jibaaran kala kulmayaan cudurada maskaxda ku dhaca waliba iyagoo dhalinyaro ah. Arrintan waxay ka mid tahay natiijo ka soo baxday cilmi-baadhis uu faafiyay wargeys raacsan jimciyad ay leeyihiin dhakhaatiirta wadnaha ee dalka Mareykanka (American Heart Association). Ku dhawaad 6700 oo ruux ayeey cilmi-baadhistu tijaabo ka qaadday. Waxayna dadkan oo da’doodu u dhexeyso 45 illaa 84 sanno ay ka jawaabayeen su’aalo la xidhiidha hab-dhaqankooda iyo xaaladahooda nafsiga ah. Aqoonyahanadan cilmi-baadhistan sameynayay ayaa waxay muddo laba sanno ah qiimaynayeen xaaladda dadka tijaabada laga qaaday, gaar ahaanna sida ay ula kulmaan cadaadiska nafsiga ah, quusta iyo cadhada joogtada ah. Bartilmaameedka gaarka ah ee cilmi-baadhistu waxay ahayd in la eego sida ay dadkaasi uga bad-qabaan xanuunada wadnaha ku dhaca marka ugu horaysa ee howsha tijaabada ahi bilaabanayso. Waxaase mar dambe la arkay in 147 qof oo dadka la tijaabinayay ka mida ay ku dhaceen xanuuno maskaxeed, halka 48 kalena ay dhibaato xaga dhiigga ah ay soo wajahday