Arsenal Oo heshiis la gaadhay Messi-gii da’yarta Barcelona

Arsenal Oo heshiis la gaadhay Messi-gii da’yarta Barcelona

ARSINAL

Kooxda kubadda cagta ee Arsenal ayaa si rasmi ah heshiis ula gaadhay xiddiga da’yarta kooxda Barcelona iyo xulka qaranka ee 15-jirada Germany Georgios Spanoudakis kaasi oo leh farsamo lala yaabay. Wabseetka kooxda Arsenal ayaa lagu sheegay in 15-jirkan uu leeyahay farsamo u eg tan uu haatan ku xamaasho xidiga kooxda Barca Messi kaasi oo isaga laftigiisa kasoo baxay xerada da’yarta kooxda Barcelona ee loo yaqaano La Masia waxaana xiddigan uu ku soo biiri doonaa garoonka Emirates Stadium toddobaadkan. Si kastaba xidigan waa mid khadka dhexe ka ciyaar waxaana uu yahay mid aragti dheer leh isaga oo sidoo kale leh awood jireed waxaana Spanoudakis uu kusoo biiray Barca sanadkii 2009 isaga oo kaga yimid xerada da’yarta kooxda Eintracht Frankfurt. Si kastaba xiddigan ayaa asal ahaan kasoo jeeda dalka Greece oo uu u matalay qaramada hoose inkasta uu haatan qaranka Germany doortay. Spanoudakis ayaa ku biiri doona kooxda Arsenal ee xiddigaha 18-jirada xilli ciyaareedka soo socda isaga oo laga soo saari karo hadii uu ciyaar wanaagsan muujiyo. Waxaa jira xiddigo kale oo horay ugu biiray kooxda Arsenal iyaga oo ka soo baxay ciyaalka hoose ee Barca waxaana kamid ahaa Cesc Fabregas, Fran Merida, Jon Toral, Hector Bellerin iyo Julio Pleguezuelo