Guddoomiyaha Xidhiidhka Ee FA-ga Oo mar kale Weeraray Dhiggiisa Sepp Blatter

Guddoomiyaha Xidhiidhka Ee FA-ga Oo mar kale Weeraray Dhiggiisa Sepp Blatter

GUD GUD

Guddoomiyaha xidhiidhka kubadda cagta ee England FA-ga Greg Dyke ayaa mar kale weerar afka ah ku qaaday madaxwaynaha hay’adaha kubadda cagta ee adduunka FIFA Sepp Blatter kaasi uu ku tilmaamay nin aan jeclayn horumarka kubadda cagta ee England iyo Premier League. Greg Dyke ayaa u sheegay Sky Sports in Sepp Blatter uu yahay nin go’aan qaadasho deg deg leh isaga oo ku tilmaamay sidii madaxwaynaha North Korea Kim Jong-Un oo dalkiisa meleteri ku xakuma isaga oo sheegay in aanay kubadda cagta sidaa u baahnayn “Qofna kama daboolna waxa ka dhex jira FIFA anaga wali kama daba hadhin musuq maasuqa koobka aduunka 2022-ka Qatar waxaana aaminsanahay in ay jiraan arimo kale oo aan daaha saarnayn”Ayuu yidhi Mr Dyke. Sidoo kale madaxa FA-da ayaa u soo jeediyay madaxwaynaha FIFA Sepp Blatter in uu xilka isaga dego maadaama uu ku fashilmay in uu go’aan cad ka qaadan waayo arimaha is daba marinta ku salaysan isaga oo sheegay inaanu England la rabin in ay koob aduun marti galiso.