SHEEKO CUSUB: Lionel Messi Oo laba bilood ka hor Qorshaynayay Inuu Ku biiro Arsenal

SHEEKO CUSUB: Lionel Messi Oo laba bilood ka hor Qorshaynayay Inuu Ku biiro Arsenal

SHEEKO

Laacibka xulka Argentina iyo kooxda Barcelona ayaa la soo warinayaa inuu xiisaynayay inuu si lama filaan ah ugu dhaqaaqo kooxda Arsenal ka hor inta aanu heshiiska cusub la saxeexan Barcelona laba bilood un ka hor. Jariiradda Vozpopuli ee ka soo baxda Spain ee iyadu daaha ka rogtay heshiiska Arsenal ee Alexis Sanchez ayaa sheegtay in Lionel Messi uu si dhab ah uga fikirayay inuu u soo dhaqaaqo gegada Emirates ee kooxda Arsenal ka hor inta aanu heshiiska cusub la saxeexan kooxdiisa. Waxay kale oo ay jariiraddan sheegaysa in Messi uu saaxiibkiisa dhow ee Cec Fabregas uu kala hadlay waayihiisii Arsenal. Lionel Messi ayaa la sheegay inuu heystay fursad uu ugu dhaqaaqi karayay Arsenal inta aanu ku biirin Academy-yada kooxda Barcelona yaraantiisii, waxaana la sheegay inuu aad ula dhacsan yahay tababaraha Arsenal Arsene Wenger iyo hababkiisa