MA DHABAA:In Xukuumadda Biyihii Ka Soo Jartay Guriga Madaxweynihii Hore Ee Somaliland Daahir Rayaale

MA DHABAA:In Xukuumadda Biyihii Ka Soo Jartay Guriga Madaxweynihii Hore Ee Somaliland Daahir Rayaale

RIYAALEE

Hargeysa (Salaanmedia.com)- Guriga Madaxweynihii hore ee Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin ayay Wakaaladda Biyaha Hargeysi gabi ahaanba ka jartay qasabadihii Biyaha keeni jiray gurigaasi wakhti maalmo ka hor la sheegay in hawlgalkaasi Gurigan Madaxweynihii hore Biyaha lagaga jaray sidoo kale Biyaha laga jaray Dhismaha Aqalka Baarlamanka Somaliland oo ay dhisme ahaan Jaar yihiin ama isku dhaw yihiin Guriga gaarka ah ee Madaxweynihii hore ee Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin.
Ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay maamulka Wakaaladda Biyaha Hargeysa balse waxa hawlgalkan loo aanaynayaa Biyo yaraan soo food saartay Guud ahaan Magaalada Hargeysa intii marka hore heli jirtay Biyaha gaar ahaan Aqalka Madaxtooyada Somaliland oo ku yaalla agagaarka Guryahan Baarlamanka iyo Madaxweyne Rayaale. Go’aanka Biyaha lagaga Jaray Aqalka Madaxweynihii Hore ee Somaliland iyo Golaha Wakiilada ayaa la sheegay inuu ka soo baxay Maareeyaha Wakaalada Biyaha Hargeysa iyada oo aan sababta faahfaahin rasmi ah laga bixin saxaafadduna ka helin. Guriga Madaxweynihii hore ee Somaliland ayaa xagga Woqooyi Bari waxa uu kaga began yahay dhismaha Aqalka baarlamaanka Somaliland waana guri xaaskii uu khaaska u lahaa madaxweynihii hore ee Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin. Sida warkan aanu ku helnay Todobaadkii hore ayaa amar ka soo baxay xafiiska maareeyaha wakaalada biyaha Hargeysa Ibraahim Siyaad waxaa uu ku amray shaqaalihiisa qaybta biyo jarista inay si deg deg ah biyihii wakaaladdu siinaysa guriga Baarlamaanka iyo Guriga Madaxweynihii hore ee Somaliland Daahir Rayaale laga soo jaro,waxaana la sheegay inay illaa imika muddo Afar cisho ka badan ay biyihii ka go’an yihiin guryahaasi. Lama garanayo sababta dhabta ah ee dhalisay in Biyaha laga soo jaro Gurigii uu deganaa madaxweynihii hore ee Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin balse sida aanu warkan ku helnay waxaa muddooyinkanba biyo la’aani ay soo waajahday Madaxtooyada Somaliland, iyada oo la arkayay toddobaadadii ugu danbeeyay Booyad Muuqaalkeedu Cad Yahay oo ay leedahay wakaaladda biyaha Hargeysa oo biyo u dhaaminaysa Aqalka Madaxtooyada Somaliland arrintaasi oo sababtay in la raadiyo waxa keenay inay yaraadaan biyihii Madaxtooyada tagayay, arrintaasina loo malaynayo in ay keentay in Biyaha laga jaro Guryihii ku dhawaa Qasriga Madaxtooyada sida Aqalka Baarlamanka iyo Guriga Daahir Rayaale.