Cusbitaal Heer Caalami Ah Oo La Dhax Dhigay Iyo Dawladda EMARAATKA Oo Maalgelinsa :Burao

Cusbitaal Heer Caalami Ah Oo La Dhax Dhigay Iyo Dawladda EMARAATKA Oo Maalgelinsa :Burao

HOSPITAL BURCO

Burco(Salaanmedia.com) Cisbitaalkan laga Dhagax dhigay magaalada burco ayaa wuxuu weheliyey Cisbitaal dhigiisa ah oo dhawaan isagana dhismihiisa laga bilaabay magaalada berbera, waxaana dhismayaasha Cisbitaaladani ay qayb ka yihiin mashaariic faro badan oo dawlada emaaraatka carabtu ay ka wadeen somaliland sanadihii ugu dambeeyeyba kuwaaso isugu jira, dhinacyada biyaha iyo caafimaadka.
Mashaariicda dhismayaasha Cisbitaaladana ayaa waxaa maalgelinaya Hay’adda khayriga ah ee Khaliifa Bin Sayed Al Nahyan Foundation waxaana fulinaya Hay’adda Emaaraatiga ah ee Afro Arabian General Contracting oo kamid ah hay’addaha heerka caalami ah ee dhinaca wadanka emaaraatka ugu Tunka weyn, islamarkaana ka fuliya mashaariicda dawlada emaaraatku ugu deeqdo africa iyo bariga dhexe, Hay’adda Afro Arabian ayaa kasokow fulinta dhismayaasha Cisbitaaladan waa hay’adda haatan ku hawlan hirgelinta mashruuca Biyo balaadhinta magaalo madaxdda somaliland ee Xumboweyne, kaasi oo noqonaya mashruucii ugu baaxada weynaa sidoo kalena ugu faa’iidada badnaa ee dawladaha caalamku ugu deeqaan somaliland.
Dhagax dhiga Mashruucan dhismaha Cisbitaalka Burco ayaa ka sokow maamulka heer gobol iyo heer degmo waxaa goob joog ka ahaa wakiil dawlada emaaraatka carabta u qaabilsan fulinta mashaariicda emaaraatku ugu deeqo wadamada afrikaanka ah Mudane Dr Abdurahman Sultan Ali Du’ale “Eng Juudi”., oo isagu ah masuulka naf iyo maalba u huray sidii ay somaliland uga suurtageli lahaayeen mashaariicda wax ku oolka ah ee dawlada emaaraatku ugu deeqdo in badan oo kamid ah wadamada saboolka ah.
Waxaana Si wada jira u dhagax dhigay Cisbitaalkaasi Wakiilka dawlada emaaraatka u qaabilsan fulinta mashaariicdan Dr Abdurahman Ali Du’ale iyo Badhasaabka Gobolka Togdheer.
Sikastaba ha ahaatee Cisbitaalada Dawlada Emaaraatku ay ka dhisayso magaalooyinka Burco iyo Berbera ayaa noqon doona kuwo wax weyn katara daryeelka Hooyada iyo dhalaanka, Qaliinada degdega ah iyo daaweynta guud waxaana sida Dr Du’ale sheegay ku talogalka dhamaystirka labada Cisbitaal yahay in mudo sadex bilood gudohood ah lagu wada dhamaystiro labada Cisbitaal, sidoo kalena waxaa Dr Abdurahman Sultan Cali Xusay in kadib kolka dhismaha Cisbitaaladu la dhameeyo inay keeni doonaan dhamaanba qalabkoodi oo dhamaystiran ilaa Dhooliyadii dadka buka lagu soo qaadayey.