Maxaa ka Taqaanaa 10-kii ciyaartoy Ee abid ugu Qaalisanaa Kooxda Manchester United

Maxaa ka Taqaanaa 10-kii ciyaartoy Ee abid ugu Qaalisanaa Kooxda Manchester United

TOBANKA CIYA

Kooxda kubadda cagta ee Manchester United ayaa suuqa kala iibsiga ku bixisay lacago xoogan 15-kii sanno ee ugu dambaysay iyada oo sii iibsanaysay xiddigo magac ku leh caalamka. Hadaba halkan waxaa idiin kugu soo gudbinaynaa 10-xiddig ee abid ugu qaalisnaa ee la soo saxeexatay kooxda Manchester United iyo waxa ay kooxda ku soo kordhiyeen. 1. Juan Mata : lacag dhan £37.1. Xidigan wadanka Spain ayaa waxaa ay kooxda soo qaadatay xagaagii hore dhamaadkiisa markii uu kooxda hayay ninkii ku fashilmay ee David Moyes kaasi uu ku soo qaatay lacag dhan £37.1m waxaana ay ka soo iibsadeen kooxda Chelsea waxaana uu ilaa iyo haatan yahay xiddigii ugu qaalisanaa ee taarikha kooxda Man United soo iibsato. Mata wax badan uma qaban kooxda waayo xilli ay kooxda meel hoose taalo ayuu yimid balse waxaa la sugayaa waxa uu kusoo kordhin doono xilli ciayareedkan oo ay u soo dheertahay macalinka cusub ee kooxda Van Gaal. 2. Dimitar Berbatov : Kaasi oo ku fadhiya 30.7m Weeraryahankii hore ee xulka Bulgaria ayaa noqday xiddigii ugu qaalisanaa ee kooxda soo iibsato xilli ciyaareedkii September 2008-dii isaga oo kaga soo biiray kooxda Tottenham lacag dhan £30.7m . Balse Dimitar Berbatov guulo badan kooxda waa uu u keenay nasiib darro waxaa laga iibiyay kooxda Fulham sannadkii 2012. 3. Rio Ferdinand: Lagu soo qaatay lacag dhan £29.3m Difaaca kooxda QPR ayaa ahaa difaaca ugu qaalisan aduunka waxaana Rio Ferdinand uu kooxda kaga soo biiray kooxda Leeds United isaga oo lagu soo qaatay £29.3m 10-sanno ka hor. Si kastaba guulo farxad iyo wanaagba waa uu la soo qaatay kooxdan isaga oo matalay 450-oo kulan. 4. Ander Herrera: oo laga soo bixiyay £29m. Xiddigan da’da yar ee kooxda Man United waa hubka ugu culus ee haatan kooxda haysto waxaana uu Old Trafford yimid xagaagan isaga oo nolol cusub la bilaabi doona macalin Van Gaal. Herrera ayaa laga soo bixiyay lacag dhan £29m waana 24-jir waqti badan bartilmaameed u ahaa kooxda waxaana uu kaga yimid kooxda Atletico bilbao. 5. Juan Sebastian Veron: kaasi oo ku fadhiya £28.1 Difaacan wadanka Argentine ayaa kooxda United-ka ku yimid lacag xoogan sannadkii 2001-dii isaga oo ka soo tagay kooxda reer talyaani ee Parma waxaana uu noqday mid la qabsan waaya inkasta uu markii dambe ka tagay waxaana uu labba sanno, kadib ku biiray kooxda Chelsea. 6. Marouane Fellaini: Waxaana lagu gatay £27m Xiddigii hore ee kooxda Everton ayaa xilli ciyaareedkii hore ee yimid kooxda Manchester isaga oo kaga soo biiray kooxda Everton waxaana uu kamid yahay xidigaha ugu qaalisan ee kooxda jooga. Macalinkii hore ee kooxda Manchester United David Moyes ayaa keenay balse taageerayaasha ayaa u arka mid aan ku haboonayn in uu kooxda Manchester u cayaaro. 7. Luke Shaw: oo laga dhiibay £27m Difaaca kooxda Man United Luke Shaw ayaa dhaafay Rooney xaga lacagta waana da’yar xiddigan isaga oo ka soo tagay kooxda ku cayaarta gegada St Mary una soo dhaqaaqay garoonka Old Trafford bilowgii xilli ciyaareedkan waxaana laga soo bixiyay lacag dhan £27m. Shaw ayaa jira 19-sanadood waxaana uu kamid yahay xiddigaha xulka England sidoo kale booska waxaa uu kala baxay Patrice Evra oo isaga tagay kooxda. 8. Wayne Rooney : Oo laga soo bixiyay lacag dhan £25.6m.Rooney ayaa waxaa uu noqday xiddigii ugu da’da yaraa xiddigaha reer England ee taarikhda markii ay kooxda Man United ka bixisay lacag dhan £25.6m isaga oo ka soo dhaqaaqay kooxda Everton sannadkii 2004. 9. Robin Van Persie oo ku fadhiya lacag dhan £24m.Robin Van Persie.Kabtankii hore ee kooxda Arsenal ayaa waxaa uu kooxda u qaaday koobkii 20-aad ee horyaalka isaga oo kaga yimid kooxda ay cadowtamaan Arsenal waxaana laga soo bixiyay lacag dhan £24m waana dookhii hogaamiyihii hore ee kooxda Man United Sir Alex Ferguson. 10. Anderson: Oo laga soo bixiyay 20.8m