Cilmi-baadhis Lagu Xaqiijiyey In Tiknoloojiyaddu Wiiqayso Baraarugsannaanta iyo Fikirka Ardayga

Cilmi-baadhis Lagu Xaqiijiyey In Tiknoloojiyaddu Wiiqayso Baraarugsannaanta iyo Fikirka Ardayga

ARDAYDA TICHNOLGY

Cilmi-baadhis cusub oo Jarmalka laga sameeyay ayaa xaqiijisay in tiknoloojiyadda ay wiiqayso baraarugsanaanta iyo fikirka ardayga marka uu ku jiro fasalka. Cilmi-baadhista oo ay samaysay Jaamacadda Slander ee dalka Jarmalka ku taala ayaa waxay tilmaamtay in tirada ugu badan ardayda isticmaasha telefoonada gacanta lagu qaato ama kumbiyuutarada ay fasalada dhexdooda ku galaan khadka Internetka oo ka mashquulinaya duruustooda. Waxay baadhayaasha daraasaddan sameeyay u kuur-galeen ardayda iyo sida ay fasalada dhexdooda ugu isticmaalaan aaladaha gacanta lagu qaato ee tiknoloojiyadda ah. Waxayna baadhayaashu saddexdii il-biriqsiba mar u soo dhaqaaqayeen ogaanshaha waxa uu arday kasta aaladiisa ku isticmaalayo. Natiijooyinka soo baxay ayaa muujiyay in ku dhawaad 40% ay ardaydu aaladahooda ku isticmaalayeen barnaamijyo ka baxsan muxaadarada ama casharada socda. Kaliya 12% ardaydaas ayaa hal xilli kaliya waxay aaladahooda ku samaynayeen barnaamijyo kala gadisan oo casharka xisada lagu bixinayo iyo waxyaabo ka fogba isugu jira. Hase ahaatee 18% ardayda isla markaana ka dhigan lixdii ardayba hal kaliya ayaa la arkay inay aaladahooda ku isticmaalayaan waxyaabo xidhiidh la leh casharka markaas socda. Fira Gilin Paum oo cilmi-baadhista ka qayb qaadatay ayaa sheegtay in aaladaha tiknoloojiyadda oo aan lala soo galin fasalada aanay noqonay xalka kaliya ee dhibaatadan lagu dhamayn karo. Sidaas darteedna waxay ku talisay in macalimiinta ay kordhiyaan ku tiirsanaanta aaladahan oo xitaa imtixaanada lagu galo si aanay ardaydu waxyaaba kale ugu adeegsan.