Tixdii Indhala + Dhegala”Mansadan Indhala+Dhegala habeenkii ay igu soo dhacday ”

Cabdilaahi Xasan Mataan
Cabdilaahi Xasan Mataan

Mansadan Indhala+Dhegala habeenkii ay igu soo dhacday ee aan Curiyey waxay ahayd habeen aan arkay nin caalim ah oo kutubo ruug ah iyo nin aan Diinta waxba ka aqoon misana maadi waxba ka aqoon oo hadana murmaya halkuu wax ka korodhsan lahaa Caalimka,waana ta igu keliftay in aan Curiyo Tixdan (Indhala + Dhegala).

08-08-10

Qalbigii kutaan iyo dirxibaa daf wada idhi
Dooryaanka duuliyo duqsi baa ku soo dagay
Aboor baa dudumowayn dam ku siiyay maqalkii
Aragii waxbaa dadday
Dhurdaa doonanaystoo dalag baabu ku hamiyey
Dadka daawaduu yidhi malabka iyo guushkii iyo waxaara kacadkii
Inaan daaqad uga dhigay afkaad igu dal daleyseen

Dhuug dannana yaayidhi dadki waa laqeytee
Anna maan damiirkiyo dusha madaxa maan dego
Dirin diir ka daalacan degi maysid bay tidhi
si dareenle ugu tidhi waad yara dag degaysaa dube yaanu kugu dhicin

Takar damacu soo qaad ku dacwootay anigaa ruuxan daawo lalahaa
Dambarkii sucuu dhamay
Durba haddalki dheeraa dibnihiina soo dhaaf
Caarana daboolwayn dug ku siisay ruuxii

Cayayaanki kala durug
Gafanii dabayl raac
Xamas  damaci soo qaad
dabbaan oogi bay tidhi
Hadaan daaha laga rogin

Kuna dooday ruuxaa anaa daawo lalahaa
Dawna waxan u leeyahay Inaan daaqad uga galo
 
Dareenkii cirkaa gaadh
Jinac duula yaayimi hadal diiran buu yidhi
Cayayaanka duulee Is duraama naayoow
Dejiya hadalka dhaadheer waxa dunida joogana
Duu-duub u qaybsada!

Allaa Mahadle
Abdillahi H Mataan
togdheer2000@hotmail.com