“Saxaafaddu waa Inay Is Anshax marisaa Inta aanay awooda dawladeedba gaadhin”

“Saxaafada warkaas qortay waxay dambi culus ka gashay mihnada ay sheeganayso iyo shacabka Somaliland”aadan dhoolayare2

HARGEYSA (Somaliland.Org)- Wasiirkii hore ee cadaalladda Somaliland mudane Aadan Axmed Cilmi (Dhoolayare) ayaa ku baaqay inay saxaafadda Somaliland dhexdeedu is anshax mariso oo ay tallaabo ka qaado cidii faafisay warkii beenta ahaa ee caafimaadka Madaxweynaha lagaga dayrinayay.

Aadan Dhoolayare waxa uu sidaas ku sheegay bartiisa face-book-ga, waxaanu yidhi “Waxaynu ku jirnaa bishii Ramadaan dhamaadkeedii ilaahay baamahad leh. Shaydaanka bisha ramadaan waa la xidhaa laakiin kuwa yar-yar lama xidho,laakiin iyaga qudhoodu dhibaato wey leeyihiin.Waxa ayaamahan dambe ku jirtay saxaafada warar in la qoro aan ku wanaagsanayn xagga islaanimada,bani’aadanimadana ku fiicnayn in naftaada oo kale ah lagu sheego wax aanad adiguba jeclayn.Cirdiga iyo sharafta qofka kale waa xaraan inaad istidhaa mucaaradnimo ka day.”
“Mucaaradnimo maaha wax ka sheega dadka kale. Arrintani maaha mid mucaaradku sameeyay ee waxa qoray dad aan xilkas ahayn caqli badana aan lahayn. Arintaasi waxay tahay caafimaadka Madaxweynaha Jam Somaliland Mudane Axmed M Siilaanyo ilaahay ha xafidee. Waxaan qoray saxaafada qaar ka mid ah,waana wax laga xishood inaad qof muslin ah kula deg degto xanuun ama geeri.Labadaba ilaahay baa haya,waxa laga yaaba qofka qoray arrintaas inuu isagu ka horeeyo cida uu ku sheegayo waxaas,”ayuu intaas raaciyay Aadan Dhoolayare.

Wasiirkii hore ee Cadaaladdu waxa uu is weydiiyay inay saxaafadda dalku leedahay xeer iyo awood ay dhexdooda isku anshax mariyaan marka qaar ka mid ahi ay deel-qaaf ku kacaan ama qaar si hufan waajibaadkooda shaqo u qabsadaan, waxaanu yidhi “Hadaba saxaafada sharafta leh,waxaan weydiinaya ma leedihiin xeer idin qabta iyo anshax marin iyo abaal marin aad dhexdiina ku siisaan saxafiga xun iyo ka wanaagsan inta aan awood xukumadeed idin soo gaadhin.

Waxaan filayaa madaama aad tihiin rukunka afraad ee dawladnimo ee ummadda gaadhsiisa wararka inaad leedihiin waayo sharci dawladeed iyo mid gaar ahiba wuu jira,sidaasi darteed waxaan marka hore idiinku baaqaya inaad raali gelin ka bixisaan warka xun ee ku shaabadoobay saxaafada xorta ah oo dhan madama cida qortay ay bahda saxaafada ka tirsan tahay xumaanta iyo wanaaga wixii aad qortaan waa wada leedihiin. Waxa warkaas laga qoray Madaxweynaha ee gaadhay wuu dhintay sababi gaadhay khal khal iyo naxdin ku baahay bulshada dhexdeeda,waa nasiib daro xataa saxaafada cadawga ayaa ka xishootay inay warka noocaas oo kale ah qoraan. Geerida naflaha oo dhami waa xaq,laakiin cidina kuma dhimato afka qof aan waxba ka xishoon.”

Wasiirkii hore ee cadaalladda oo hadalkiisa sii watay wuxuu yidhi “Madaxweynuhu waa shakhsi innaga mid ah,laakiin inaga sharaf iyo karaamo badan madaama uu yahay hoggaankii dalka isla marka lagu doortay doorasho loo codeeyay,kumuu qabsan xoog. Hadaba marka hore madaxda waa loo duceeyaa ee lama habaaro,oo waxa la yidhaa, ilaahayoow sharkooda naga du’ khayrkoodana na sii waayo ninkasta oo madax ahi wuxuu leeyahay awood iyo karaamo.Saxaafada qortay warkaas ha ogaato inaanay madaxweynaha waxba yeelin ee qaranka wax u dhintay waaayo Madaxweynuha maaha ina Bureeqo ee waa astaantii qarankani lahaa.”

“ saxaafada warkaas qortay waxay dambi culus ka gashay mihnada ay sheeganayso iyo shacabka Somaliland ee ku jira farxada bisha ramadaan iyo rayraynta ciidulfidriga.

Waxaan saxaafada sharafta mudan mar labaad ka codsanayaa inay iska soo qabtaan cida fidisay warka argagax geliyay shacabka. waayo shacbku waxay leeyihiin saxaafada qortay madaama ay sidaas tahay umadda ha u bayaamiyaan oo ha is barxaan saxaafadu ilayn ka xumi magaciini ayuu sitaaye. Raali gelin ayaa looga fadhiya saxaafada oo isku duuban inay shacabka siiyaan,talaabana ka qaadaan cidda ka midka ah ee warka fidisay. wa billahi tawfiiq,”ayuu hadalkiisii ku soo gunaanaday

 

Aadan Axmed Cilmi (Dhoolayare)