Dharaarihii Tilmaannaa. Qormaddii 44aad, By; Abdirisaq Mohamed Barkhad

Xasuustii Prof. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Jimcaale London 2013″.

 abdirizak-150x150

Muddadii uu dhulka ka maqnaa gumeystihii Ingiriis illaa maalintii dalku oo burburay wax horumarin ah oo lagu sammeeyay amma lagu kordhiyey ceelashaas biyaha ah ee bulshada reer Borama ka cabayeen ma jirin. Magaaladu inta ay weynaatay bulshaduna ay fara badatay ayaa haddana waxa intaas u dheeraa in ay dalka intiisa kale ka go’naayeen. Taas waxa caddayn amma daliil u ah jidka laamiga ah ee ka soo bilaamay Kismaayo ayaa ku dhammaaday tuulada Kala Baydh oo ku taalla magaalada Dilla dusheeda.

 

Eebbe naxariistii janno ha ka waraabiyee nin reer Awdal ah oo la odhan jirey Cawaale Xaax oo mufakir ahaa misna aad u xikmad badnaa ayaa markii uu ka soo baxay laamiga Kalabaydh ee uu magaalada Dilla sidaa ugu soo dhaadhaco waxa uu odhan jirey “Dhulkii Illaahay baan soo gaadhay”, Cawaale oo ahaa shakhsi cabqari ah waxa aan layaabay sida uu u helay eraygaas runta salka ku haya sababta oo ah dhulka reer Awdal waa dhul dihin oo daray ah oo aan weli wax laga qabban isla markaana u baahan in ummaddu ka faa’iideysato macdantiisa iyo khayraadkiisa aasan.

 

Sidaas oo kale ayey biyuhuna berigaas ahaayeen dabadeed mashruucii lacagtiisu ahayd shanta boqol ee kun ee dollar ayey na siiyeen qoladda ka socotay Qaramada Midoobay oo ah UNICEF haddaba halkaas weeyi muhiimada waxqabadka iyo nuxurka sooyaalkan soo maray ummadda reer Awdal. Tixraaca hore ee aan kuu soo warinayey muhiimadiisu waxa ay tahay ee aan ku lahaa waar ruuxayagaa joogay magaalada Borama markii ay xabadu ka dhacdey magaalada Xamar ee lagu kala tagay.
Markaa waxa aad had iyo jeer ka fekeraysaa su’aalo badan oo ay ka mid yihiin dadka aad u tageysaa waa noocee? sababta oo ah anigu (Cabdiraxmaan Cabdillaahi Jimcaale) magaalada Muqdisho waxa aan ka shaqeynayey labbaatan sanno oo dib uguma soo noqon magaalada Borama sidaas darteed waxa aan inta badan isweydiin jirey tallow dadka dhulkii jooga ee aad u tageyso waa noocee? dowladdii raydka iyo milateriga isugu jirey ee xukumeysay maxay ka aaminsannaayeen? kalsoonidoodii miyey luntay mise way joogtaa? is aaminaada dhexdooda taallay miyey jirtaa?.
Haddaba macluumaadka aad markaas helayso sannadkii 1991-kii waxa ka mid ah in dadkaas ku nool gobolka Awdal labbaatankii sanno ee Siyaad Barre wadanka xukumayey waxaa la yidhaahdaa wixii iskaa wax u qabso ayaa laga ururiyaa oo qofka reer miyiga ah ee xoolaha haysta waxa laga soo kaxayn jirey dibidda kuwa beerahana waxa laga qaadi jirey hadhuudhka boholaha ugu jira, adduunkaas baaxada leh ee ummadda muwaadiniinta ah laga soo ururin jirey waxa loo bixiyey horumarinta degmadda amma gobolka Awdal.
Runtii waxba magaalada Borama iyo gobolka Awdal looguma horumarin jirin ee inta ay lacagtaas isugu tagto Xamar ayaa la cuni jirey markaa is aaminaadaas way luntay dadkuna kaama rumeysannayaan waxa aan idiin qabannayaa horumarin oo biyo ayaan idiin gelinaynnaa, jidadka ayaan sammeyneynnaa, caafimaadka ayaan wax ka qabbaneynnaa iyo waxbarashada.
Markaa waxa nagu waajib noqotay in aan dhisno kalsoonidii ummadda oo aan soo celino is aaminaadii dhexdooda taallay misna aad barto dowladnimada si uu daroonkeedu dib ugu soo noqdo in ay u arkaan in wax loo qabbanayo sidaas darteed aragtiddani waa muhiimada keliya ee soo celin karta nabadgalyada iyo horumarinta nolosha bulshada reer Awdal.
Milicsiga maalmahaas aan wadney mashruuca biyo gelinta magaalada Borama marka aan dib u jaleeco waxa aan xasuustaa markii u horreysay waxa ay hay’adda UNICEF na siiyeen lacag gaadhaysa labbaatan kun oo dollar $20.000 waxyaabaha aadka u layaabka badan waxa ay ahayd rag ka kooban lix qof oo aan labbo sannadood shillin lacag ah arag ayaa labbaatan kun oo dollar loo soo shubay kuwaas oo kala ahaa.
1. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Jimcaale
2. Caydiid Xaaji Daahir Cilmi
3. Ismaaciil Muumin Aar
4. Cabdi Maxamuud Jaamac
5. Maxamaed Muuse Bahdoon AUN
6. Maxamuud Rabiile Good.
Markii ay lacagtii labbaatanka kun soo gaadhay gacantayadda waan isku nimid lixdayaddii qof ee ku bahoobay ururkii SOSVO NGO, shir ayaannan u fadhiisaney waxaanan sheekadii ku soo gabogabeynay “Waar heedhe rag qoxootiya ayaan ahayn oo muddo billaa lacag ku dhex joogay magaalada Borama, duruufta jirta iyo nolosha aan ku jirno waad ogtihiin sidaas darteed maxaan caawa horta ka qaadannaa labbaatankan kun ee dollar?”….

La soco qeybaha kale…………..

 

Dhacdooyinkaa qoraal I farey

Xasuus baa tidhi bal I dhugo

Dhadhami waayihii dorraad

Wixii dhacey dib ugu noqo.

 

Abdirisaq Mohamed Barkhad

Senior Camuudnews Editor

E-mail; rasiiqi07@hotmail.com