Laba Ciyaartooy Oo caan ah Oo Isku Aflagaadeeyey Twitter-ka Arrinta Xasuuqa Gaza Awgeed!

Laba Ciyaartooy Oo caan ah Oo Isku Aflagaadeeyey Twitter-ka Arrinta Xasuuqa Gaza Awgeed!

LABA CIYAR

Waxaa hubaal ah in carruur xasuuqa ka socda Marinka Gaza ee Falastiin ay ka dhiidhiyeen dad fara badan oo ka danqaday falkaasi foosha xun, waxaase haatan Dagaalka ka dhexeeya Isra’iil iyo Falastiin uu saameeyay Kubadda Cagta. Maalin dhowayd ayay ahayd markii Ciyaartoyda kooxda Israa’iil ee Maccabi Haifa oo ciyaar saaxiibtinimo la dheelayeen kooxda Lille ay koox taageerayaal Falastiiniyiin ihi ay feedh iyo Laad la dhex qaadeen iyadoo halkaasina lagu soo geba-gebeeyay kulankaasi oo 2-0 ay ku hoggaaminaysay kooxda Lille. Haddaba Xidigga Khadka dhexe ee kooxda QPR ee Ingiriiska Joey Barton oo looga bartay Hadallada kul kulul ee uu soo dhigo Baraha bulshadu ku sheekeysato ee Internet-ka ayaa waxa uu maanta Twitter-kiisa ku soo qoray “Weerarka lagu qaaday Iskuulkii Beit Hanoun ee Falastiin waa mid ceeb ah oo aan la aqbali karin, Waa in la joojiyaa Carruurta lagu laynayo GAZA “Waxani dagaal ma ahan, kuwani ma ahan Askare waa Carruur aan dembi lahayn, waxani waa Isir sifeyn.” ayuu sii raaciyay Barton isagoo boggiisa soo dhigay sawirka carruur Falastiiniyiin ah. Hadalladaasi kul-kulul waxay u cuntami waayeen Ciyaaryahanka Yuhuudka ah ee ka tirsanaan jiray Chelsea haatanna u dheela kooxda Maccabi Haifa Yossi Benayoun oo isna u soo jawaab celiyay Barton, waxaana uu ku yidhi “Saaxiib waxaa jira waxyaabo aan weligood is bedelin, Nacas ayaad ahaan jirtay, weligaana Doqonkaas ayaad ahaanaysaa noloshaad”. Dhimbilaha afka la isaga tuuray intaa kuma ekaanine Barton ayaa soo rogaal celiyay, wuxuuna ugu hadal naqay Benayoun “Marka hore, qofna kuma tilmaami kartid Nacas adigoo adeegsanaya Naxwahan aadka u xun, marka labaad ma sameyn kartid waana inaydnaan dilin carruur dembi la’aan ah “Marka Saddexaad, dad dhulkooda xoog kuma qaadan kartaan adinkoo raacaya buug khiyaali ah oo kummanaan sano ka hor ahaa kaasoo idiin sheegaya inaad weli awoodaan inaad qaadan kartaan dhulkaasi”Ayuu sii daba dhigay Joey Barton.