MADAXWEYNE KU XIGEENKA OO KUDBADIISII MAANTA CIIDA KA SHEEGAY IN XUKUUMAD AHAAN AY CANBAARAYNAY XASUUQA YUHUUDU KU HAYSO SHACABKA REER FALASTIIN

MADAXWEYNE KU XIGEENKA OO KUDBADIISII MAANTA CIIDA KA SHEEGAY IN XUKUUMAD AHAAN AY CANBAARAYNAY XASUUQA YUHUUDU KU HAYSO SHACABKA REER FALASTIIN
images6-80x106

Hargeysa (Slaanmedia.com)-Madaxweyne ku xigeenkya Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici)n ayaa sheegay inay Xukuumadda ahaan ay cambaaraynay Xusuuqa ay Yuhuuddu ku hayso Shacabka reer Falastiin
Madaxweyne ku xigeenku waxa uu sidan ku sheegay khudbad uu maanta u jeediyay shacabka ku dhaqan Magaaladda Hargeysa oo uu la tukadday Salaadii Ciiddal Fidriga..
Waxaana hadaladiisii ka mid ah“Sida aynu la socono shacabka reer falastiin oo dad muslimiin ah waxa ku socda xasuuq, waxaanu aad u canbaaraynaynaa falalka ay yuhuudu kula kacayso shacabka reer Falastiin.Waxaynu nahay dad Muslimiin ah, waxaa inagu waajib ah inaynu dhibaatada la dareeno. Waa dad muslimiin ah oo walaalaheen ah, waynu u ducaynaynaa in Illaahay dhibaatada ka dul qaado ayuu yidhi Madaxweyne xigeenka oo Dadweynaha kula hadlay Salaadda Ciida”
Waxaanu intaas ku daray “Waxaan leenahay dadka maatida aan waxba galabsan ee lagu garaacayo diyaaradaha iyo debaabadaha ha laga daayo,waanan ka soo hor jeednaa, waxaanan leenahay ha laga daayo dadka maatida ah dilka foosha xun ee loo gaysanayo . Beesha caalamka waxaanu leenahay yaan layska indho tirin dulmiga socda ee umada reer falastiin lagu hayo”