Dibad Bax Looga Soo Hor Jeedo Cabudhinta Saxaafadda Somaliland Oo Ururka SSWJ Ay Soo Iclaamiyeen

Dibad Bax Looga Soo Hor Jeedo Cabudhinta Saxaafadda Somaliland Oo Ururka SSWJ Ay Soo Iclaamiyeen

Sasa-2-150x150

Hargeysa(Salaanmedia.com)Ururka SSWJ Oo Iclaamiyay Dibad Bax Looga Soo Hor Jeedo Cabudhinta Saxaafadda Somaliland
Halka Ka Akhri Warsaxaafadeed
”’Maamulka Madaxwayne Axmed Siilaanyo ayaa wuxuu baryahan danbe ku camal falayey siyaasad cusub (New Policy) oo ah in uu albaabada u laabo xarunta hay’adda warbaahineed ee wax ka sheegta musuqmaasuqa, awood maroorsig, ku xad-gudubka xuquuqda aadamaha iyo ku tumashada shuruucda dalka ee lagaga dhaqmo xukuumadda dhexdeeda.
Madaxwaynaha iyo La-taliye-yaashiisu waxay xal moodeen in sida kaliya ee ugu dhibyar ee warbaahinta madaxabanaan ee dalka lagu cabudhin karaa ay tahay in halkii ay ka xidhi jirtay hawl-wadeenada warbaahinta ay taas ku badasho xayiraad ay ku soo rogto Wargeyska ama Telefishanka madaxabanaan ee dhaliilaheeda iyo fadeexadaha dul hoganaya bulshadda u soo bandhiga.
Xukuumadu waxay iska dhaadhicisay in halkii markay suxufi wax ka sheegay xidhaba ay ku mutaysan jirtay cambaarayn iyo dhaleecayn aan kala go’ lahayn oo kaga timaada bulshadda reer Somaliland iyo beesha caalamkaba ilaa inta suxufigaasi la soo daynayo ay xukuumad ahaan uga sahlan tahay meheradii uu suxufigaasi ka shaqaynayey oo ay albaabada u xidho.
Maamulka Siilaanyo wuxuu siyaasadiisan cusub ee uu kula dhaqmayo warbaahinta madaxabanaan ee dalka ku tijaabiyey wargeyska Hubaal oo uu amar ku bixiyey in xaruntiisa la xidho 13-kii December 2013.
Xukuumadu markay aragtay in gudo iyo dibed-ba mudo gaaban oo laga daba-qayliyey mooyaane aan wax danbe kaga imanin xaruntii Hubaal ee ay xidhay ayaa waxay ku dhiiratay inay sii wado dhaqan-xumadeedan cusub, waxaanay 7/4/2014-kii albaabada u laabtay xaruntii guud ee wargeysyada Haatuf iyo Somaliland Times, iyadoo xarumihii labadaas wargeys iyo Hubaal-ba ay ilaa hadda u xidhan yihiin.
Madaxwayne Siilaanyo waxay ahayd inuu wax ku qaato fadeexadii ka raacday iyo magac-xumadii ay dalka u soo jiiday dhaqan-xumadan cusub ee uu xarumaha meheradaha warbaahinta ciidamada ku wareejinayo.
Xukuumadu gudcur bay gudaysaa haddii ay u haysato in bulshadda reer Somaliland iyo ta caalamkuba ay saddexda wargeys ee wali xidhan kaga hadhayaan Guddoomiyaha Haatuf Yuusuf Cabdi Gaboobe iyo Tafatiraha Axmed Cali Cige ee xadhigii xaqdarada ahaa ee lagu xukumay ay ka dhaaftay.
Hadaba ururadda saxaafadu iyagoo la kaashanaya qaybaha kala duwan mushtumaca Somaliland iyo Isbahaygsiga Ilaalinta Xoriyaadka ee ka kooban ururadda bulshadda, kuwa xuquuqal iinsaanka, xoogaga siyaasadeed ee mucaaridka iyo xubno ka tirsan labada aqal baarlamaan, waxay qaban-qaabinayaan banaanbaxyo iyo kulamo (Rallies) salmi ah oo ay ka qaybgalayaashu ku cabirayaan shucuurtooda ka dhanka ah cabudhinta saxaafadda isla markaana ay xukuumadda kaga dalbanayaan inay faraha ka qaado oo ay ciidamadeeda kala baxdo xarumaha labada wargeys ee ay xidhatay si ay dib ugu bilaabaan adeegyadii ay bulshadda u qaban jireen.
Waxa kale oo aanu hadda hirgalin doonaa qorshe aanu markii hore hakinay oo ay ururadda u dooda xoriyadda saxaafadda iyo xuquuqal iinsaanka ee dalka Britain ay guriga Madaxwayne Siilaanyo ee London ka hordhigayaan mudaharaadyo ay ku muujinayaan siday uga xun yihiin cadaadiska iyo cabudhinta ay xukuumadiisu ku hayso warbaahinta xorta ah ee Somalialnd.
Hadii uu ilawsan yahay Mr Siilaanyo waxa aanu xasuusinaynaa inuu Madaxwayne u yahay dal aan wali hantiyin guushii halganka dheer ee uu ugu soo jiray sidii uu beesha caalamka aqoonsi uga heli lahaa.
Hadaba hadii aanu dan ka lahayn sumcadiisa gudaha bal ha u tudho uun sumcada dibadeed ee dalkan oo Haatuf iyo Hubaal xoriyadoodii si degdeg ah oo shuruud la’aan ah ha ugu soo celiyo, hana joojiyo dhaqankan cusub ee uu xarumaha meheradaha warbaahinta albaabada ugu laabayo”””’