Dowladda Yuhuudda iyo Brazil Oo Muran diblomaasiyadeed soo dhexgalay ku dagaalamaya guuldarradii Jarmalka!

Dowladda Yuhuudda iyo Brazil Oo Muran diblomaasiyadeed soo dhexgalay ku dagaalamaya guuldarradii Jarmalka!

BARAZIIL YUHUUD

Dowlada Brazil , ayaa aad u dhaleecaysay dowladda Yuhuudda iyo adeegsigeeda “awoodda aan isu dhigmin” ee ay ciidamadeeda IDF dambaska kaga dhigeen dhigeen Marinka Gaza oo ay carruur iyo cirroolaba ku cidhibtireen, waxayna iyadoo taa ka dhiidhinaysa ay dowladda Brazil u yeedhay danjirihii u fadhiyay caasimadda Tel Aviv si bay tidhi loola tashado. Waana dalkii 2-aad ee Latin America ah kadib Ecuador. Sheekadii ayaa dabadeed weji kale qaadatay oo sii qadhaadhaatay “Waa nasiib darro muujinaysa sababta ay Brazil, oo ah cudud dhaqaale iyo mid dhaqan, ay weli dhanka diblomaasiyadda cillan uga tahay.” Ayuu yidhi af-hayeenka wasaaradda arrimaha Dibedda Israel ee Yigal Palmor oo ay soo xigatay, the Jerusalem Post . Aflagaadada ay Yuhuuddu ula bareertay Brazil, ayaan yeelkeede, intaa ku ekaanin. Waraysi uu warbaahinta Brazil siiyay ayuu kusoo hadal qaaday Jaalle Palmor guuldarradii ihaanada xambaarsanayd ee Brazil ku qabsatay nus-dhamaadka KA2014 “Dabcan kulankii ay Jarmanku 7-1 ku garaaceen . Jawaabta Israel waa mid saami ahaan sax ah oo waafaqsan xeerka caalamiga ah.” Ayuu yidhi Yuhuud Palmor oo la hadlayay barnaamijka Jornal Nacional TV . Tanise kubad maaha. Kubaddu marka ay barbarro ku dhamaato waa saami isle’eeg, balse marka ay ku dhamaato 7-1 waa saami kala duwan. Waanse ka xumahay nolosha dhabta ah iyo xeerka caalamiga ah sheekadu sidaa maaha.”