Anagoo ka mid ah Qurba joogta UK ee degaanka Ceerigaabo, waxaanu taageero u diraynaa Gudoomiyaha Gobolka Sanaag Mudane MAHAMUD CALI HAYSTE RAMAAX

Go’aanada geesinimada leh ee uu ku hore marinayo degaanka, gaar ahaan Go’aankaas uu ku mabnuucay goynta dhirta iyo kaganacsiga dhuxusha. Arintaas oo ahayd aafo ku habsatay deegaano badan oo dhulka Soomaalidu degto, xaalufisayna dhuldaaqsimeedkii xoolaha oo ah waxa keliya ee nolosha dadkeenu ku xidhan tahay.

Dhamaan waanu ka codsanaynaa dadka degaanku in ay u hogaansamaan go’aankaas. Ayna la shaqayaan Badhasaabka gobolka sanaag.

Dhamaan suldaanada, boqorada, caaqilada iyo odayaasha dhamaan wax aanu ku codsanaynaa in ay si fiican howshaa ula shaqeeyaan Badhasaabka gobolka iyo ciidamada qaranka.

Eng Abdi Ahmed Arab

London, UK
image