Weriye Hargeysa Ku Xidhan Oo Ka Cawday Gacan Ka Hadal Iyo Cagajuglayn Xabsiga Gudihiisa Loogu Geystay

Weriye Hargeysa Ku Xidhan Oo Ka Cawday Gacan Ka Hadal Iyo Cagajuglayn Xabsiga Gudihiisa Loogu Geystay

WARIYE

Hargeysa(Salaanmedia.com) Axmed Aadan Rooble Waa Tafatiraha Mareegta BALIGUBADLE MEDIA oo kamid ah Ah Mareegaha Internetka ee Somaliland.

Waxan uu Habeenkii Sadexaad Ku xidhan Yahay Xarunta C.I.D-Da Ee Hargeysa Axmed Waxa uu ka cabanayaa Jidh Dil, caga juglayn handadaad iyo Hanjabaad joogta Ah Oo ay Ku hayaan Ciidamaddu.

Qaarkamid ah warbaahinta oo Shalay Booqatay ayuu Axmed usheegay inay garaac iyo jidh dil ugaysteen Ciidamadda goobtaasi Uu Ku Xidhan yahay isagoona intaasi Ku daray inay Xaaladiisa Caafimaad Fiicantahay.

Geesta kale Xukumadda ayaan Weli ka hadal talaabadda ka dambeysa Xadhiga Masuulkani waxana lala Xidhiidhinayaa in uu bixiyay amarkiisa Madaxweyne Xigeenka Somaliland kana Dambeeyso war Ku Baxay mareegtaasi Oo ka hadlayay xaaladda Caafimaad Ee Madaxweynaha.