Gudomiyaha Baarlamaanka GAROOWE Oo Dhahar Ku Ciiday Iyo Wasiir Somaliland Ah Oo Ku Sugan

Gudomiyaha Baarlamaanka GAROOWE Oo Dhahar Ku Ciiday Iyo Wasiir Somaliland Ah Oo Ku Sugan

good news

Hargeysa(Salaanmedia.com)Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamul Goboleedka Somaliya ee Puntland Siciid Xasan Shire iyo wefti wasiiro iyo Xildhibaan ah oo uu hogaaminayo ayaa shalay magaaladda Dhahar kula ciiday Dadweynaha deegaankaasi iyagoo ujeediyey Khudbado la xidhiidha xuska maalinta Ciidal Fidriga, waxaanay lllaa hada ku sugan yihiin deegaankaasi..
Masuuliyiinta Puntland waxay Khudbadaha uga jeediyeen fagaarayaasha ay Dadku ku ciideen, halka wasiirka Kalluumaysiga Somaliland Cali Jaamac Faarax (Buureed) aanu gurigiisa oo ku yaala magaaladda Dhahar oo uu ku sugnaa aanu ka soo bixin.
Ilo wareedyo sugan oo Reer Dhahareed ah ayaa Waaheen u sheegay in Wasiir Buureed hor istaagay Ciidamo Reer Somaliland ah oo ku sugan magaaladaasi oo damcay inay kharbudaan wftiga Puntland in uu ka hor istaagay, isagoo ka baqay in ay joogitaankiisa saamayn ku yeelato haddii rabshado ka dhacaan magaaladda.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland iyo weftiga la socday oo kala ah wasiirka Xanaanada Xoolaha iyo wasiir ku-xigeenka Cadaaladda Puntland iyo dhawr Xildhibaan ayaa ugu talogalay inay maamulka Puntland tusaan in ay ka taliyaan Dhahar, taasoo u suurtogashay kadib markii wasiir Buureed oo laba boqol iyo konton Askari haystaa fursadaas u sallaxay.
Wasiirka Kalluumaysiga Somaliland Cali Jaamac Faarax (Bureed) ayaa intii aan xilka loo magacaabi xilal kala duwan oo heer wasiiro ah ka soo qabtay Puntland, waxaanu si badheedh ah duulaamo ugu soo qaaday Dhahar isagoo ku doodi jiray inay tahay Puntland, maantana isagoo Somaliland ah ayuu ka hor istaagi kari waayey masuuliyiinta ku sugan oo ay isku Juffo hoose yihiin, gaar ahaan Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland oo ay isugu yimaadaan Raaska hoose ee Yuusuf Haaruun oo dusha Dubays ka ah.
Si kasta ha ahaatee Xukuumadda Somaliland illlaa hada wax talaabao ay kamay qaadin masuuliyiinta Puntland ee k u sugan Dhahar.