ALSHABAAB Oo Ku Hanjabaysa Inay Soo Ridi Doonaan Diyaaradaha Ciidamada AMISOM

ALSHABAAB Oo Ku Hanjabaysa Inay Soo Ridi Doonaan Diyaaradaha Ciidamada AMISOM

SHABAABOOSS

Hargeysa(Salaanmedia.com)Dagaal yahan nada Al-shabaab, ayaa ku hanjabay in xilliga ay doonaan weerarro ku qaadi karaan xarunta madaxtooyada Soomaaliya iyo goobaha kale ee muhiimka ah, amnigooda aadka loo ilaaliyo, isagoo sidoo kale xusay inay soo ridi doonaan diyaaradaha sahayda u qaada ciidanka AMISOM.
Afhayeenka Guud ee Al-shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage (Cali-dheere) oo boqolaal dadweyne ah kula hadlayay degmada Baraawe ee dalka Soomaaliya maalintii ciiddal-fidriga, waxa uu sheegay in aanay jirin cid ka celin karta inay weeraro qorshaysan ku qaadaan xarrumaha kala duwan ee dawladda ee magaalada Muqdisho.
“Waxa naga go’an inaan weerarno madaxtooyada, garoonka diyaaradaha iyo meelaha muhiimka ah; sida isgoyska KM-4 oo badhtahama Muqdisho ah, nagama hor-istaagi karaan inaan weerarro ka fulinno goobahaas, annaguna waan isku kalsoonnahay 100%. Dibadda ayaannu soo istaagi doonnaa, waana la arki doonaan keennii dhinta,” ayuu yidhi Afhayeenka Al-shabaab.
Waxa uu intaa ku daray in ciidammada AMISOM ku jiraan xaalad aad u adag, isla markaana ku go’doosan yihiin degaannadii ay Al-shabaab kala wareegeen muddooyinkii u dambeeyey, isagoo xusay in jidadka oo dhan laga xidhay ciidankaas, dagaalyaahanno ururkooda ka tirsanna ilaalinayaan.
“Ciidammada AMISOM waxay ka soo bixi la’yihiin dhufeysyadooda, waayo waa ku go’doonsan yihiin deegaannadii ay qabsadeen. Waxa sahayda u geeya diyaarado kuwa qummaatiga u kaca ah, kuwaasna waan beegsan doonnaa, waanan soo ridi doonnaa insha Allaah,” ayuu yidhi Sheekh Cali-dheere.
Afhayeenka Al-shabaab ayaa sheegay inay sii wadayaan dilalka qorsheysan iyo qaraxyada ay ka fuliyaan magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, isagoo tibaaxay in muddo aan fogayn la jabin doono, lagana adkaan doono ciidanka AMISOM iyo kuwa dawladda oo uu ku tilmaamay inay dhib ku hayaan ummadda muslimka ah ee Soomaaliya.