Goobtii Mujaahid Lixle Taaladda Looga Dhisi Lahaa Waxa Lagu Maamuusay Diyaaraddii Maatadda Xasuuqdday Waanna Caalamad Saaran Ictiraafka Aynu Rabno Q2aad

maqaal
Waxa aynu kusoo guda jiray Maqaal aynu kaga hadlaynay waxyaabo caqliga fayoobi diidaayo hadaba waxaynu todobaadkii hore soo tilmaamnay amaba aynu ka hadalay isla mawduucan uu Maqaalka ciwaankiisu ku saabsanyahay

oo ah Diyaarada saaran badhtamaha Caasimidda S/land ee Hargaysa

hadaba sidii aynu horeba u soo sheegnay meelaba Dunidda kama dhacddo in Umuddi Amma Qaran Soo Dagaalamay oo is xoreeyay inuu inta ay hoosta dhigaa Geesiyadoodii usoo halagamay ay Taalo caana oo maamuus leh oo laysku tilmaamsaddo u sameeyaan cadawgii gumaaday

Taasi waxa ay xaqiraysaa amma ay Qarinaysaa xuquuqdii halgamaaga oo sidda Aduunka looga tixgeliyo la wada yaqaano

waxaanad moodaa inay inaga qaldantahay qiimaynta geesigu

waxan imika iyo markii horeba leeyahay oo aan ku celcelinayaa inta aan jawaab ka helaayo Waar maxay diyaaradii cadawgu taalo kumutaysatay Ragii dhiigooda Qarankan u Qubayna loo Qariyay kama hadlaayo mujaahid qudha kama hadlaayo shikhsiyaad kamana hadlaayo wax Bulshadda Reer s/land kala faquuqaaya balse waxan leeyahay aniga iyo in badan oo ila aragtiyi

kuma qanacsana jawaabata ah waxa wax loogu sheegayaa dadkii aan wakhtigaas jirin iyo indhaha Caalamka oo la tusaayo wixii dadka reer s/land lagula kacay ee taliskii Siyaad u gaystay waayo marka arintaas laga hadlaayo waxa loo samayn lahaa goob lagu ilaaliyo oo lagu xafiddo

sidda Aduunkuba u sameeyo marka ay arimaha taarikhigaa ay xafidanayaan

Sidda runtii ah Guushii Mujaahidiintii SNM waxa Biladoodii loo xidhay Diyaaraddii Xasuuqa ba.an ugaysatay shacbka markay sidaas tahayna waxaynu u baahanahay sababta keentay arintaas ay Diyaaraddii Taaladda ku heshay Geeiyadiina loogu diiday hal sawir oo loogu dhejiyo Gidaar Magaaladda Hargaysa kamidda

Lasoco Qaybaha Dambe

by Sacad Cali Kaahin Raamalay Sacad plucky

Qalin Ku Difaac Group