Waxaan Leeyahay Cali Khaliif Ay Qayrkiiba Cidii Ku Riyoonaysa Inay Jamhuuriyada Somaliland Gudaheeda Dibin Daabyo Ka Gaystaan Waxaanu Leenahay Eega Cali Khaliif Ta Ka Qabsatay Saaxdheer…S/Gaas Ismaaciil Shaqale

Waxaan Leeyahay Cali Khaliif Ay Qayrkiiba Cidii Ku Riyoonaysa Inay Jamhuuriyada Somaliland Gudaheeda Dibin Daabyo Ka Gaystaan Waxaanu Leenahay Eega Cali Khaliif Ta Ka Qabsatay Saaxdheer…S/Gaas Ismaaciil Shaqale

Taliye%20Shaqale

Hargeysa(Salaanmedia.com):-Taliyaha ciidanka qaranka somaliland Sareeye Gaas Ismaaciil Shaqale ayaa ka hadlay talaabada ay ciidanka qaranka somaliland ka qaadeen maleeshiyaadka nabad diidka ah ee Khaatumo
Taliyaha ciidanka somaliland oo maanta la hadlay warbaahinta ayaa waxa uu sheegay inay mudo badan dhawrayeen inaanay wax dhib ahi ka dhicin deegaanada bariga ee somaliland, balse waxa uu sheegay inuu siyaasiga Cali Khaliif keenay inay ciidanka qaranka somaliland talabadan qaadaan.
Ugu horayn taliyaha ciidanka qaranka somaliland Sareeye Gaas Ismaaciil Shaqale ayaa waxa uu sheeegay inuu Cali Khaliif intii lagu guda jiray bishanba uu deegaanka xuduudka ah ee somaliland ka waday dhaq dhaqaaqyo colaadeed waxaanu yidhi “Waxaad la socoteen in dagaal ooge Cali Khaliif Galaydh uu sheegtay inuu urur la yidhaahdo Khaatumo ama maamul goboleed la yidhaa Khaatumo uu ka samaysanayo gudaha somaliland, bishan aynu ku jirno oo dhan waxa uu wado wax doorasho la yidhaa , wax baarlamaan la yidhaa. Wax baan dhigayaa iyo waxan ayaan samaynayaa, waxaanu aad iyo aad uga taxadiraynay inaan dadka reer somaliland ee tuulooyinkaas ku sugan in aanay dhibaato gaadhin Calina waantoobo, hase yeeshee waxay noqotay “Cay Cay Dhaaftee Geeska Qabo” markii uu yidhi 28-ka bisha ayaa laygu caleemo saarayaa tuulada la yidhaa Saaxdheer oo somaliland kuna taala xadka Ethiopia iyo somaliland, halkaasna uu ka dhistay buulal waa weyn ergooyina uu yidhi ii kaalaya. Diyaarado ayaa laga soo fuulay Kismaayo iyo Xamar lagu sito qalab ciidan iyo wax lagu dibin daabyeeyo qaranka somaliland.” Ayuu yidhi taliye Shaqale
Taliyaha ciidanka qaranka somaliland oo ka hadlaya talaabada ay ciidanka qaranka somaliland ka qaadeen horjoogaha kooxda nabad diidka ah ee Khaatumo Cali Khaliif iyo kooxdiisa ayaa waxa uu yidhi “Saaka markii ay saacadu ahayd 5:30 subaxnimo ayaa cutubyo ka tirsan ciidanka qaranka somaliland hawl gal ka bilaabeen agagaarka Saaxdheer, Cali Khaliif iyo wixi uu watayna qof qof dayday may yeelan waxaanay noqdeen wax siigo noqday, wax kabihii dirqi ku haleelay, wax gaadhi Landcruiser ah la baxsaday, hadana jaan iyo cidhib meel uu dhigay lama hayo, waxaana noogu danbaysay 30km Ethiopia gudaheeda tuulo ku taalo oo la yidhaa Como inuu sii jibaaxayey isaga oo aan dib u soo eegin ragiisii iyo wixii uu meesha ku urursanayey.”
Ugu danbayntiina taliyaha ciidanka qaranka somaliland waxa uu ka hadlay khasaaradaha ciidanka qaranka ka soo gaadhay dagaalkaas, waxa uu sheegay inaanay marna aqbalayn in gudaha somaliland maamul goboleed laga sameeyo waxaanu yidhi “Laba Askari ayaa naga geeriyooday laba kalana way naga dhaawacmeen aniga oo aan wax been ah ku darayn, waxaan leeyahay Cali Khaliif iyo qayrkiiba wixii ku riyoonaya inay jamhuuriyada somaliland gudaheeda inay dibin daabyo ka sameeyaan, waxaanu leenahay Cali Khaliif eega ta ka qabsatay Saaxdheer.” Ayuu yidhi Taliyaha Ciidanka Qaranka Somaliland Sareeye Gaas Ismaaciil Shaqale