Madaxweynaha Oo Wasiiradda La Kulmay Laba Kamid Ah Oo Maadarka Hargeysa Ka Dhoofay Iyo Nuxurka Halkay Ku Wajahan Yihiin

Madaxweynaha Oo Wasiiradda La Kulmay Laba Kamid Ah Oo Maadarka Hargeysa Ka Dhoofay Iyo Nuxurka Halkay Ku Wajahan Yihiin

Broknews

Hargeysa(Salaanmedia.com)Waxaa Salaadii Makhrib ka dhoofay madaarka magaalada Hargeysa ee Cigaal Airport, Wasiirka Arimaha Dibada Maxamed Biixi Yoonis Iyo Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancade, kuwaaso safarkooda ugu baxay Magaalada Adis-ababa ee dalka itoobiya.

Diyaarada Etiopian Airline ayaa labad masuul madaarka ka raaceen, iyagoo aan wax war ah ka bixin ujeedada Safarkooda.

Wararka qarsoodiga ah ee Oodweynenews helayo ayaa sheegaya inay labada masuul safarkooda uu ka dambeeyey shir deg deg ah oo Golaha Wasiirada iyo Madaxweynuhu ku yeesheen Qasriga madaxtooyada kulankaasi oo sida wararka aanu helaynaa ay sheegayaan ujeedadiisu ahayd sidii looga arinsan lahaa saamaynta siyaasadeed iyo Amni ee Dagaalkii saaka ka dhacay Saax-dheer, xili kulankaasi xukuumada u socdo ayaa waxaa sida la xaqiijiyey fariin dhinaca Internetka ahi waxay Madaxweyne Siilaanyo uga timi Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha Dawlada Itoobiya.

Waxaana Safarka labada wasiir amarkiisu madaxweynaha kasoo baxay kadib kolkii Fariintaasi soo gaadhay.
Dawlada itoobiya ayaa siyaasiyan marleyba mandaqada geeska gaar ahaan Soomaalida dhinac kastaba gacanta ku haysa islamarkaasina awaamiirteedu ay ka dhaqan gasho.

Ma cada nuxurka fariintaasi balse safarka kediska ah ee fariinta imaatinkeeda ka dhashay ayaa muujinaya inuu yahay mid la xidhiidha dagaalka sida sahalka ah saaka ku dhacay.