Somaliland : marxaladahay ka soo gudubtay iyo maanta halkay marayso( TUUR, CIGAAL, RAYAALE IYO SIILAANYO)

Somaliland : marxaladahay ka soo gudubtay iyo maanta halkay marayso( TUUR, CIGAAL, RAYAALE IYO SIILAANYO)

unnamed

Somaliland intii ay jirtay ee ay dawlad gaar  u taagan  sheegatay waxay soo martay marxalado kala duwan oo u kala adkaa siday u kala horreeyeen. Marxaladhaas waxaynu ku soo koobi karnaa afar marxaladood oo kala ah.

1-      Marxaladii jabhadda: ka dib markii taliskii afweyne ay xukunka ka tureen jabhadihiii ku kacay, waxay jabhaddii SNM oo hogaaminaysay halgankii siyaad barre lagu riday ku dhawaaqday in Somaliland madaxbananideedii la soo noqotay haatanna ay tahay dawlad ka go’aday somaliya inteedii kale ee ay la midowday 1960. Halkas waxa ka bilaabantay marxaalad cusub oo kala guur ah. Talada wadanku waxay gacnta ugu jirtay jabhaddii SNM ee dalka xoraysay, madaxweunihii wakhtigaas la doortay oo ahaa guddoomiyihii SNM Cabdiraxman  Axmed  Cali(Tuur) waxa horyaallay caqabado fara badan oo ay ka mid ahayeen.

a)      Jihaynta iyo xakamaynta guutooyinkii ay ka koobnayd jabhaddii SNM oo khilaaf gama’san iyo xafiiltan ka dhex jiray una kala fadhiyay qaab beeleysan oo ku haboonayn qaran cusub oo dhashay.

b)      Xasilinta bulshadii soo halgantay oo dhamaantood jabhadoobay oo u baahnayd abaabul ka saar iyo hub ka dhigis ballaadhaan, xakmaynta maleeshiyaadkii hubaysnaa ee wakhtigaas dagaalka u jibbaysnaa iyo baajinta aargoosi qabiil iyo xadgudub ku salaysan isir beeleed lagula kaco dadyowgii aan halganka ka qayb qaadan.

c)       Dhisidda xukuumad wadaag ah oo ay ka dhexmuuqdan dhaamaan beelaha dega xuduudda Somaliland oo ay soo hoos gelyaan beelilhii aan hagankii SNM ka qaybqaadan.

d)       Tusmaynta hanaan dawladnimo oo taam ah iyo u bandhigidda madaxbanaanida Somaliland aduunweynaha iyo kasbashada caalamka

2-      Maraladdii qabyo tirka dawladnimo:  markii ay dhamaatay muddadi la doortay madaxxwenihii koobaad ee Somaliland Cabdiraxman Tuur oo ahayd muddo 2 sano ah waxa la qabatay shirkii boorame oo lagu doortay madaxweyne cusub oo ahaa Maxmed X Ibraahin Cigaal. Halkaasna waxa ka bilaabantay marxalad kale oo ayana kalaguur ah. Caqabadaha horyaallay Cigaal wey badnaayeen waxaana ugu adkaa kuwan.

a)      Dhamaystirka hanaankii dawlad nimo oo bilaw ahaa, hirgelinta hab dawladeed hana qaada oo hay’adihiisu dhamastirmaan iyo hagidda mujaahidiintii SNM oo gudoomiyahoodii xilkii wareejiyay. 

b)      Dhisidda ciidan qaran oo isku dhaf ah, qaramaynta maleeshiyaad u kala soocnaa qaab beeleed iyo dhamaystirka abaabul ka saar iyo hub ka dhigis buuxda

c)       Diyaarinta habkii dawladnimo ee ku salaysnaa dastuur qaran, hirgelinta axsaab qaran iyo qabashada doorashooyin ay ku loolamaan axsaab badani

d)      Suuqgeynta qaddiyada Somaliland, raadinta citiraaf ay ka hesho adduunweynha iyo samaynta xidhiidh saaxiibtinimo oo Somaliland la yeelato dawladaha qaar.

3-      Marxaladii dimoqraadiyaynta iyo doorashooyinka: ka dib markii la hirgeliyay dastuur qaran waxa la go’aansaday in laga guuro nidaaamkii Somaliland lagu aasaasay ee ahaa shirbeeleed lagu doorto madaxweyne, ku xigeen, baarlamaan iyo guurti loona guuro hanaanka axsaaabta badan oo shacabka jaanis u siinaya inay doortaan golayaasha dawladi ka unkantahay sida gole deegaan, gole baarlamaan mid guurti iyo weliba madaxweyne iyo ku xigeen soo dhisa golihii wasiirada. Marxaladani waxay ku soo beegantay xilli uu mootanyahay madaxweyne Cigaal oo asagu aasaasay hanaankan, waxaa markaa la kawsaday madaxwenihii bedelay Cigaal oo aha Daahir  Rayaale Kaahin. Caqabadaha horyaallay madaxweyne Rayaale waa ay badnaayeen waxaase ugu weynaa

a)      Dhaqangelinta dastuurka dalka ee cusub, Qabsoomidda doorashooyin xor ah. Arrimaasi waxay ahaayeen imtixaankii ugu weynaa ee Somaliland soo marto kaas oo la saadaalinayay inay baasto ama ku dhacdo. Inay baasto waxa kaga xidhnayd shahaadada koobaad ee ay caalmaka la hortigi doonto si ay citiraaf u hesho. Intii uu talada hayay madaxweyne Rayaaale waxa si buuxda u dhaqangalay dastuurka dalka waxaana qabsoomay 4 doorasho oo dhamaantood u dhacay six or ah oo xalaal oo nabad gelyo leh.

b)       Tayaynta ciidanka qaranka, adkaynta hay’adaha amniga iyo sugidda xuduudaha dalka iyo fidinta maamulka si loo gaadhsiiyo gobolada bari si nabad galyo ku jirto.

c)       Taabbo gelinta ha’adadaha dawladda horumarinta kaabayaasha dhaaqaalaha iyo adeegyada bulshada

d)      Iibgeynta qaddiyada Somaliland iyo abuuridda xidhiidho caalami ah. Markii Somaliland ay u guurtay hanaanka dawladeed ee ku salaysan dimoqraadayad oo ay doorashooyin xor ah ka qabsoomeen, shacabkana laga qaaday afti madaxbanaani oo dastuurku dhigayo ayaa waxa muuqatay inay ka iibsami karto caalamka. Rayaale waxa uu dhisay xidhiidhkii ugu adkaa ee Somaliland abid layeelato caalamka waxaanu kasbaday saaxiibbo badan oo taageera Somaliland, ugu yaraan 25 xafiis oo safaaarado u dhigma ayaa uga furmay dawladaha caalamka oo ula dhaqmay Somaliland si xushmad leh.

 

4-      Marxaldii hanaqaadka :markii somaliland ka gudubtay saddexdii marxalodood ee hore oo midiba mid ka adkayd waxay soo gaadhay marxalad kale oo la saadaalinaayay inay hanaqaadday oo haatan ay si fiican u tallaabsatay caalamkana ay kaalin mug leh ka geli karto citiraafkeeduna uu miiska saaranyahay. Marxaladani waxa ka bilaabmaysaa markuu taladadalka la wareegay madaxweynaha  hadda jooga Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo. Madaxweyne Siilaanyo waxa uu ku soo baxay doorasho si weyn shacabku ugu taageereen inuu kursiga gaadho waxaana laga filayay inuu Somaliland gaadhsiin karo halka ay ku socoto oo ah horumar dhinac kaste ah iyo citiraaf caalami ah. Madaxweyne Siilaanyo waxauu ku soo beegmay xilli Somaliland dhammaysatay imtixaankii iyo shuruudihii dawladnimo ee  lagu xidhay, islamakaana ma jirin caqabado horyaalay oo l mid ah kuwii ay la kulmeen madaxweynayaashii ka horreeyey waxa keliya ee laga sugayay waxay ahayd hurumarinta Somaliland iyo citiraaf raaadin. Hadaba saadaashii bulshadu qabtay waxa bedelay arrimo lama filaan ah oo soo if baxay tan iyo intii talada dalka lagu wareejiyay Siilaanyo. Bal hadda u fiirso arrimahan

a)      Waxa kala daatay dalkii iyo dadkii isku duubnaa ee lagu wareejiyay Siilaanyo waxana abuuurmay maamul goboleedyo ku baaqaya in ay Somaliland ka go’een waxa ka mid ah khaatumo state,  Awdal State,  Maakhir State. Maamulk goboleedyadan qaarkood waxay ka hawlagalaan dalka Somaliland gudihiisa oo ay badh haystaanba halka kuwa kalena ay debedda wareegaan oo adduun weynaha  kula doodaaan inaan Somaliland beelaha degaa heshiis ku wada ahayn inay Somalia ka go’do.  

b)      waxa xayirmay geedi socodkii madax banaanida somaliand ka dib markii Somalia marti looga noqday citiraafkii aynu caalamka ka sugeynay waxaanay xukuumadda Siilaanyo furtay albaabkii federaalka halkay garaaci lahayd albaabkii citiraafka.

c)       waxa burburay xidhiidhkii ay Somaliland la samasatay caalamka waxaanay lumisay saaxiibbo qaali ku ahaa waxaana lasoo xidhay xafiisyadii ay kul ahayd dawlado dhawr ah.

d)      Waxa si weyn caalamku uga dayriyay aminga Somaliland oo hore logu majeeran jiray ilaa ay gaaadhay heer ay xuduudaha ka xidhaan dawladaha derisku halka kuwa reer galbeedkuna ay shaqalaha haayadahooda kala baxaan cabsi awgeed

e)      Waxa soo noolaatay aafadii qabyaaladda waxa dib loogu noqday shir beeleedkii laga soo gudbay intii xukuumadda Siilaanyo talada haysay waxa qabsoomay 35  shir beeleed oo ay ugu waaweynaayeen kuwii ku qabsoomay DUBUR, DAALO, AWBARKHDLE, HOODAALE, TALEEX, BUUHOODLE, BALLIGUBADLE, XIINGAALOOL,  DHAHAR, SAAXDHEER BOORAME IYO SAYLAC . dhamaan shirarkaasi waxa ka dhan ahaayeen xukuumadda Siilaanyo waxaanay ka midaysnaayeen duruufta kalliftay inay qabsoomaan oo beel waliba ay aayaheeda ka tashatay, qaarkoodna maamul goboleedyo lagu dhisay.

f)       Waxa luntay haybaddi dawlad nimo iyo sharaftii qaranka ka dib markii madaxdii dawladu u bateen dad aan khibrad siyaasadeed iyo mid tacliineed toona lahayn oo ay batalaq sadeen siday doonaanna u dhaqmeen.

g)      Waxa lagu tuntay sharcigii iyo dastuurkii dalka oo jeebka lagu qaatay waxaana waxaana cadaadis la saaray garsoorkii madaxa banaanaa iyo weliba saxaafaddi xorta ahayd oo cabudhin iyo cagajulayna lagula kacay oo qaarkood laga mamnuucay shaqdoodii halka  suxufiyiin gaadhaysa 50 xabsiga loo taxaabay.

h)       Waxa burburay xisbigii talada dalka hayay ee ugu awoodda badnaa axsaabta Somaliland ee KULMIYE oo bahweyntiisii kala irdhoobeen.

Hadaba marka aad eegto afarta marxaladood ee Somaliland soo martay waxa ugu adkaa saddexda marxaladood ee hore, madaxweynayaashii xilligaas xukumayay Somaliland way kala soo dabbaasheen marxaladahaas adkaa waxaanay uga gudubtay si wanaagsan oo halkan ay maanta joogto may soo gaadheen haddi ay ku fashilanto inay ka gudubto marxaladahaas. Waxa su’aali ka taagantay maanta xaaladdan adag ee dalku ku jiro sidee looga gudbi karaa. Waxaan qaylo dheer ugu baaqayaa cid kasta oo dalka iyo dadka u diir naxaysa inay fadhiga ka kacdo oo dalka la badbaadiyo waayo waxa muuqata in uu ku siqaayo meel aan hadhow laga badbaadin Karin.  

By: Cabdixakiim        Muuse       Cali

 

 

 

 

Â