Ciidamada Qaranka Somaliland waa Astaanta & Halyeeyada Qaranka Somaliland.

Ciidamada Qaranka Somaliland waa Astaanta & Halyeeyada Qaranka Somaliland.

unnamed (1)

Marka hore waxaan salamaya Ummada reer somaliland meel kasta oo ay joogto guddo iyo dibeddba, Waxaan bogaadinaya ciidamada kale duwan ee qaranka somaliland oo ah astaanta Ummada reer somaliland mucaarid iyo muxaafidba ay ku dhaatan, waa halyeeyo hadh iyo habeen u taagan ilaalinta Amniga & xasiloonida Somaliland iyo mandaqada geeska afrikaba.
Ciidanka qaranka somaliland ayaa ah ciidan dhaqan iyo asluub leh oo aan ku xadgudbin bulshooyinka ay la joogan iyada oo inta badan deganada beriga ee ay joogan dadka ku nool si fiican ula dhaqan. Waxa ay dhawr jeer wiiqeen isku dayo la doonayay in somaliland lagu khalkhaliyo amnigeeda iyo horumarkeeda. 
Haddba, waxa ay maanta ciidanka somaliland oo kaashanaya shacabka degaanka saaxdheer fashiliyeen kooxda khaatumo seeg ee u hogaamiyo cali khalif oo doonayey inuu ka fuliyo somaliland dhagaro ay soo maleegeen cadowga somaliland iyaga oo saaka kala firdhiyey xaflad u ku sheegay caleemo saarkiisa halkaas oo tiro badan oo xildhibaano ka soo huleelay koonfurta somaliyana xabsiga u taxaabeen. 
Ugu danbeyntii, Waxaan hambalyo iyo salaan u diraya ciidamada qaranka somaliland ee fashiliyey kooxdaas qawlaystada ah ee cali khalif hogaaminayo ee doonayay in Ummada somaliland ee walaalaha ay fidno dhex dhigo, waxaana waajib ah in garab lagu siiyo ciidanka sidii ay u soo afjari lahaayeen sheekada cali khalif ee laga soo xawilay dal kale si loo fidneeyo dalka iyo dadka degaankaba.
Waxaan u soo jeedinaya Dawlada Somaliland, Xisbiyada Mucaaridka ah iyo guud ahaanba Bulshada Somaliland in ay laban laaban daryeelka ciidamada somaliland iyo caruurtooda, loona fidiyo in ay si bilaash ah loogu adeego adeegyada kale duwan ee dawlada iyo xarumaha ganacsigaba sida in ay helaan caruurtoodu waxbarasho bilaash ah ilaa heer jamacadeed, in qiimo dhimis saayid ah la siiyo kaalmaha shidaalka, cusbitaalada dawlada iyo kuwa gaarka loo leeyahayba,  biyaha, basaska la raaco iyo dhamaan adeegyada kale gedisan ee saameynaysa noloshooda iyo ta reerkoodba intba. Waxa kale oo aan dawlada ku dhiiri gelinayaa in Gunada iyo Mushaahaarooyinka Ciidamada la kordhiyo sidii aad balanqaadeen oo aad ee ahayd boqolkiiba sadex boqol iyo in kor loo sii qaado qalabeyntooda iyo tababaradooda intaba.

Said dualeh
UK