Hoggaamiyaha Waqooyiga Kuuriya oo Telefiishanka Qarankiisa ku Amray Inuu soo Daayo Ciyaaraha Man United

Hoggaamiyaha Waqooyiga Kuuriya oo Telefiishanka Qarankiisa ku Amray Inuu soo Daayo Ciyaaraha Man United

KUURIYA

Burco(Salaanmedia.com)- Hoggaamiyaha da’da yar ee waddamada reer galbeedku ka cabadaan ee Waqooyiga Kuuriya Kim Jong-Un, ayaa soo saaray digreeto uu ku amraayo in telefiishanka qarankiisu soo daayo ciyaaraha kooxah Hoggaamiyaha da’da yar ee waddamada reer galbeedku ka cabadaan ee Waqooyiga Kuuriya Kim Jong-Un, ayaa soo saaray digreeto uu ku amraayo in telefiishanka qarankiisu soo daayo ciyaaraha kooxaha Man United, Man City, Chelsea, Arsenal iyo Liverpool ee koobka kooxaha Ingiriiska ee Premier League. Madaxweynahan da’da yar waxa uu qaranka ku qasbay in ay go’aankiisaas sida ugu dhakhsaha badan u fuliyaan, soona dayaan ciyaraa kooxahaas yeelanayaan, isagoo si ba’an u taageeraya kooxda Manchester United iyo ciyaaryahanka weerka uga ciyaara ee Wayne Roney. Taageerada uu u hayo hoggaamiyahan kooxda Shadaadiinta Cascas lagu magacaabo waxay wadda u xaadhaysa in qarankaan si fiican looga daawado ciyiaaraha. Geesta kale, madaxda Ciyaaraha Ingiriiska ayaa ka soo horjeeda in ciyaarahooda laga baahiyo dalka Waqooyiga Kuuriya, waxaannu yidhi Afhayeen u hadlay Premier League oo u warramay wargeyska Daily Star;”Qofna xaq uma laha inuu ka baahiyo ciyaaraha kubbadda cagta ee Premier League dalka Waqooyiga Kuuuriya, haddii tani dhacdana waa xatooyo halis ah.