Philippine:- Saxafiyadda Rajayadd Ah Oo Sanado Badan Kadib Heshay Gabadhii Soo Korisay

Philippine:- Saxafiyadda Rajayadd Ah Oo Sanado Badan Kadib Heshay Gabadhii Soo Korisay

SUXUFIYADA 2

Saxafiyad lagu magacaabo Rowan Radwan oo ka hawl gasha warbaahinta dalka Saudi arabia ayaa muddo 22 sano ah kadib waxay la kulantay haweenay u dhalatay dalka philippine taas oo wakhtigii ay yarayd soo korisay iyada iyo wiil ay walaalo yihiin gabadhan hada saxafiyada ah, kadib markii dhawaan ay jaraa’idada dalka philippine gabadha saxafiyada ahi ay ku baahisay sawir wakhti hore ah oo muujinaya gabadhan soo korisay iyo iyada oo isla wakhtiga ay baahisay sawirkana codsatay in hadii ay gabadhaasi nooshahay ay baadigoobkeeda lagu wargaliyo.

Radwan ayaa waxay sheegtay in dhawaan ay ku warheshay inay nooshay gabadha soo korisay iyada iyo walaalkeed wakhtigii ay yaraayeen, wakhtigaas oo markii ay hooyadood dhimatay uu aabaheed oo safar dibada ah gali jiray uu u qabtay gabadhan u dhalatay dalka filibiin si ay u korsi, waxaana ay sheegtay in markii ay ku warheshay inay nooshay ay u kuur gashay sidii ay baadigoobkeeda u samayn lahayd.
Warbaahinta dalka philippine oo arrintan si wayn ula socday ayaa waxay ka qayb qaateen baadigoobka haweenaydan oo hada da’ah iyagoo goob joog u ahaa wakhtigii ay kulmeen labada qof ee haweenka ah.

SUXUFIYADA 3

Saxaafada dalka filibiin ayaa si wayn u faaqiday arrintan taas oo qayb wayn oo laxaad leh ka qaadatay sidii ay markale muddo 22 sano ah kadib ay u kulmi lahaayeen labada haween ee u kala dhashay Sa’udi-arabiya iyo wadanka philippine.

SUXUFIYADA 4