Liverpool Oo Cashir U Dhigtay Tottenham Kadib Markii Ay Garoonkooda Ugu Awood Sheegatay.

Liverpool Oo Cashir U Dhigtay Tottenham Kadib Markii Ay Garoonkooda Ugu Awood Sheegatay.

LICERPOOL1

Kooxda Liverpool oo ka caraysneed guul daradii ay ka soo qaadeen Man City ayaa meel iska saartay galabta kooxda Tottenham oo ay marti u ahaayeen, Liverpool ayaa ku awood sheegatay 0-3.
Ciyaarta ayaa ku bilaabatay si xiiso leh, 8 daqiiqo Sterling ayaa hogaanka u dhiibay kooxdiisa kadib markii uu shabaqa dhex dhigay baas halis ahaa oo uu ka helay Henderson wuxuuna ciyaarta ka dhigay 0-1.

LIVERPOOL 2

30 daqiiqo Mario Balotelli ayaa kooxdiisa ka khasaariyay fursad halis aheed kadib markii uu goolka hareer mariyay kubad u furneed inuu shabaqa dhex dhigo.

42 daqiiqo Chadli ayaa helay fursad uu ugu soo bar barayn karay kooxdiisa Tottenham lakiin gool haye Mignole ayaa ka badbaadiyay shuud xooganaa oo uu ku soo riday.
Qaybtii hore ayaa lagu kala nastay 0-1 oo ay ku hogaaminaysay kooxda Liverpool.
Qaybtii danbe oo socota 4 daqiiqo Steven Gerrard ayaa 0-2 ka dhigay ciyaarta kadib markii uu dhaliyay rigoore lagu galay Joe Allen.

Liverpool

60 daqiiqo daafaca cusub ee Liverpool Alberto Moreno ayaa hogaanka u sii dheereeyay kooxdiisa kadib markii uu dhaliyay kubad uu si fiican ula soo orday wuxuuna ciyaarta ka dhigay 0-3.

Ciyaarta ayaa ku soo idlaatay waqtigii loogu talo galay 0-3 oo ay guushu ku raacday kooxda Liverpool.