Khasaaraha Ka Dhashay Roob Hargaysa ka Da’ay.

Khasaaraha Ka Dhashay Roob Hargaysa ka Da’ay.

IMG_2628.JPG

Hargaysa(Salaanmedia.com)Magaalada Hargaysa ayaa waxa maanta Galankii Danbe ka da’ay Roob aad u wayn kaas oo watay Dabaylo Xad-Dhaaf ah waxaana uu Riday Guryo Badan halka uu Hoolkii Shaqaalaha Dawladana uu galay Daad wayni.
Degmooyinka Magaalada hargaysa ayaa iyagana laga soo sheegayaa inuu waxyeelo u geystay qaar ka mid ah guryaha ku yaala caasimada, kuwaas oo uu kala tagay jiin-gadihii,halka uu qaarkoodna Dumiyay,Balse ilaa hada Wararka hordhac ahi masheegayaan inuu jiro Qasaare Nafeed.
Laagaha Dooxyada Biyaha geeya ayaa iyaguna Culayskii Biyihii Dhex marayay Ku fatihiyeen Guryaha Magaalada qaarkood.
Shabakada hadhwanaagNews oo bookhatay Goobaha ay Waxa yeelada wayn u gaysteen ayaa waxa ka mid ahaa Hoolka shaqaalaha dawlada kaas oo uu galay xafiisyadii

Biyahuna Dhex Sabaynayeen Saacado Badan,Waxaana uu Dhamaan Biyihii Xidheen Wadooyinkii Soo gali jiray Hoolka shaqaalaha.
Ardayda wax ka barata jaamacadda oo Ku taala hoolka Shaqaalaha Dhexdiisa oo iyagu ku cadilnaa Saacdo Badan Jaamacada ayaa Markii ay soo baxeen waxa ay hadhwanaagnews u shegeen”
“Adeer waadiga arkaya waxa uu qaadi gaadhay jaamacada oo ku dhex taal hoolka shaqaalaha markii uu soo dhaafay Xafiisyadii Dawlada ee ku dhex yaalay jaamacada ayuu dhamaan wada jiidhay,waxaana noogu wacan daadkaas Dooxii oo biyihii ka tanbateen,waxaana loo baahan yahay in siwada jira ah dooxaas waxa looga qabto.Sidaas ayaa uu yidhi Arday ka mid ah jaamacada.
dhinaca kale Gaadiid tiro badan ayaa waxa ay galeen dooxyada hargeysa, kuwaas oo badhkood laga badbaadiyay,Halkii kuwii kalena ilaa hada lagu jiro baadi Goob kooda.
Gadiidka u kala goosha gobolada dalka ayaa siday ay kusoo waramayaan wariyayaasha Hadhwanaagnews ee gobolada Dalku,ku cadilan Dooxyada waawayn kuwaas oo siday shegeen marayaan Biyo aad u laxaadle Dooxyadaasi
Doox Arabsiyo ayaa la sheegayaa inuu qaaday Saddex gaadhi kuwaas oon ilaa hada la kala caday Noocyada ay yihiin.
xukuumadda iyo dawlada hoose ee hargeysa Ayaan ilaa iminka ka hadal khasaaraha uu sababay roobkaasi,Balse waxa ku nool Magaalada hargaysa Qoysas Dagan Xaafada isku raranta ah ee Istaad Houska Kuwaas oo iyagu unugul Dhaxanta iyo Roobkaba