Madaxweyne Siilaanyo Oo Ka Jawaab Celiyay Dalabkii Salaadiinta Awdal Iyo Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Ka Soo Baxay

 

madaxweyne-Siilaanyo660

Sep 1, 2014 Hargeysa(SM) – Sidii aan idiinku soo gudbinay wararkeeni hore, Salaadiinta Gobolada Galbeedka ayaa madaxweyne siilaanyo uga jawaabay celiyay fariin uu doraad ugu soo dhiibay xubno reer awdal ah oo ka tirsan xukuumadiisa, waxaana uu dhambaalkaass ku sheegay in uu codsiga odayada u saarayo guddi kasoo baaraandega sidii xal looga gaadhi lahaa saamiqaybsiga odayadu cabashada ka muujiyeen. Salaadiinta ayaa iyaguna dhinacooda jawaab celinta fariintaas ugu dhiibay Madaxweyne kuxigeenka Somaliland C/raxmaan Saylici, kana dalbaday madaxweynaha in sida kalaiya ee ay ku qanci karaani tahay wax caddaan ah oo la kala qorto saxaafadana lagu wargeliiyo.

Madaxweyne kuxigeenka oo isaga laftiisu aad u taageersan dalabka Salaadiinta ayaa la kulmay madaxweyne Siilaanyo si uu ugu gudbiyo codsigii salaadiinta, waxaana la sheegay in kullankaasi qaatay muddo labo saacadood ah si la iskula meel dhigo waxa ay noqonayso jawaabta madaweynuhu ku celinayo Oday-dhaqameedyada.

Gabagabadii kullankaas, waxay labada masuul isla qaateen in marka hore arrinta deg deg loo gudda galo loona magacaabo Guddi wasiiro ah oo arrimahan gacanta hoos u galiya soona bandhiga meelaha khaladka iyo madmadowgu ku jiro si loo saxo. Inkasta oo aanay jirin wax ka qarsoon nidaamka saami qaybsiga ee ka jira xukuumadiisa.

War rasmi ah oo kasoo baxay dhinaca madaxtooyada ma jirto, balse illo xogogaala ayaa shabakada xaqiijinaaya in u xaqiijiyay in loo saaray guddi dhowr xubnood oo kala ah:
Wasiirka Xanaanada Xoolaha Cabdi Aw-daahir
Wasiirka Gaashaandhiga Axmed Cadami
Wasiirka Beeraha Faarax Cilmi Geedoole
Wasiirka Boosaha Maxamed Jamac Abgaal
Wasiirka Maaliyada C/casiis Samaale
Wasiirka Duulista Maxamuud Xaashi

Gudidan madaxweynuhu u saaray ayaa dhamaantood ah guul-wadayaal aan waxbadan ka bedeli Karin sida imika saami-qaybsigu kala yahay, waxaana meesha ka maqan guddi madax-banaan oo arrinta si toos ah u guda gasha. Waxaana meesha ku jira wasiiro qaarkood oo iyaga laftooda laga cabanayo oo gacantooda waxbadan ku sameeyay. Lama oga in Oday-dhaqameedyadu ku qanceen iyo inkale, balse waxay u muuqataa talaabo madaxweynuhu cago-jiid ku sameeyay.

Salaanmedia/ Hargeysa